Gabaygan magiciisu waa garnaqsi.

Gabaygan magiciisu waa garnaqsi. wuxuu la hadlayaa reerka Isaaq ama reer SHiikh Isxaaq
 Gabay wiil yaroo tiriya iyo gaalisaba daaye geeska Afrikaad oo dhanbaan laba gamuurneyno garanmaayo Faransiis Isaaq gabi ahaantiise adinkuna gafbaa laga galaad caro la giigteene.
 Gamaadiid dartood baad doraad galwda goyseene.
 Asagoon wuxuu galabsadaba ruuxna garanaynin gunta ceel madow baad dhigeen goof qaniin badane god balaayo qodotuu inataa galangalceeyaaye  xabsigaad ku gaar tuu indhaha gabad ka siiyaaye.
Geeri iyo midkood nolashaba gogoli taalaaye gaduu maata yahay ruux dayaa waa gagabayaaye qalbigu waa i gariiraa markaan soo garwaaqsadoye ganka baa idoorsama sidii gaad anoo qabaye.
Muslin kale gargaariyo tolkood gacan u taagyaaba guno ma,anay waayeen haduu go,o adoogoode gabanadii u dhalay waa ogoon an garow helino gidaarabay yaxoobaan iyagoo gaajo  taag gabaye.
Guur iyo garoob uma tirsana tirsana gaaridu qabaye gu,u walbabana dadaas baaqatay gocosho ooydaaye dhaqmaad gabisna waa u halis intay gooni joogtahaye.
      Gafku kaligi muu helin giyiguu goob walbaba yaale sunibaa gudoon loo xiroo loo god baas dhigaye  garashadiisa diintiyo cilmiga looma qiil galine sidii tuug albaab soo galaad gacanta jiideene  galabtana Coldoon baa gargaran geedka kuu surane.
Gidi wariyihiyoo dhanbaa gaade xulayaaye gaarbaaba laga saaranyoo gaabshe hadalkiiyo waa gunaanad seeg  kii rungaloo mar un ku giirtaaye
Gowraca ninkii raga waayahan kama gidaadoone  garwaaqsada xaniinyahaad gurtaan kii waxgalilaaye midkastoo waxgaranaayey baad gabawareysaane gacmihiina eedee halkii gaganeed weeyaane.
Dhaxal laga galiintiyo caqliga baad ka gubaataane gudin baad  guntaas kala dhacdaan gooriyo ayaano geedkii ina-sanweynaad jartaan oo gobta ahaaye.
Guri diric ka soo toosay waa idiin gubido Mar hadaanu guudyacay xun iyo doqon u gowriirin gablan weeye hooyaddii Isaaq geesi dihataaye
Garmaqaate seefiyo gabuun gumuc waxaad gaarto geesaha adoon dhuganinbaad ruubtay gacalkiiye sidii neef la gawracaad baryahan hoy galgaleteene.
Garka baad is goysaa wadnaha gaarka feeraheyo galaan suni ka buuxdaa cabtaa galaxsaneyaaye gagta waxaad ku haysaa mariid  gaag mareeba ahe.
Gaaleefahaad afaysiyo mindida gowracjeceshaahe guluf adiga kugu weeraraad saad u gunadaane xoog xariga kaa goynayaad guura tidicdaane.
      Gararaysigii guba markii rag is garaacaayey nin waliba garaadkiis markuu mariyey geeraarka godkii uu salaam dagey hadaan gunid ka soo qaato geel laguma heluu cali ku yiri siday u goobeene ana waa gadiisii waxaan goortan  leeyahaye.
Gaban aad dishiyo wiil yarood jeer xabsiga geysey ku gargaari maayaan inaad gooni noqotaaye.
Gogosheena guul taalabaad gabi u fuushaane xurmo guudka kuu saaranbaad duni ka goobtaaye Gurmad iyo waxaad orod wadaan waa galoo marane.
 Isla garashadeeniyo gudoon inaan heshiis gaaro oon gacanta kuu daayabaad gool ku dhalisaaye.
      Galaayuuska fiinkaa wadiyo dhabadka  guuleeyey gumaadkeena weeyaan waxay gama,a ladiideene gees walbaba an joognee dabaa reerihii galaye.
  gacalkiyo xigaalkii go,oo gubey dadkeeniiye gaajiyo xanuuniyo markuu gumucu naafeeyey  ee goobwalba lagu dilay baqo gawameene.
Giyigii ka guuroo  qixii qaaradaha gooye geesaha aduunkoo dhanbay golowtamaayaane.
  Gunta badaha doomaha gadoon geeri tiro beeshay gaanaha yaxaskiiyo libaax gaban wuxuu quutey Gabariyo waxaan wiil dhaliyo geesi iyo gaari gablanbaan ka joognaa  guryihii waa madowyihiine.
         Hadii aan gadaal dhuganoiyo galalka taariikhda adigaa u garbaynjirey markii gaade sii wadaye lixdankii haddii adan gar qaban ma,ay goboowdeene.
Adigaa isugeeyaye xornimo uma  giraanteene asaageed ma garabjoogsateen taa adoo gabaye.
 Godkaad shalay ka soo bixisaybay gulucaysaayo gafanaha ku naaxiyo jiridu gowda ku hayaane.
 Gardaduub ayadoo loo xiroo  gacal xigaal weydey  oo meere lagu giijey garab u taalaaye.
 Gulufkaad kasoo dhigijirtiyo nacab ku gaadeeye godol lagama maaliyo gorsoy gaaxda caanahaye ayadoon guraynbaa gabnuhu gobo,o kawaayeene gaawe lalama aade afkay  kaga gasiintaane.
Gujo iyo qamaanyay intaa gowda ku hayaano qalacbay ku giijinahayaan gooriyo ayaano.
Ayadoo gabrawdoo go.odoo  gibilmadoobaatey oo qorijab laga guuliyey hiilkii gocotaaye goor walbana waxay soo daydaa gudubsintiinaase maatantana  halkiibaa tollow gulucdu taalaaye.
       Geesta koofureed waa ka guur goboladeediiyo garashadoodu waa ganid dil iyo ruux naf laga gooyo dad gumaadkii  daayoo xataa geedihii jaraye.
 Adinkuna gargaar kama ad helin ganafkaad taagteene geed shishadii markaad iga tagtood garab banaanaatay cadowgii an wada gooyn jiraa gooni kuu cunaye.
Giyigii amxaar gaaban iyo haadhig baa galaye oramaha gufaacada ku yimid guurimahayaane gooraan fogeynbay ahaan gaan na caabiyaye.
Gaariga beegii u go, ee gabidhaclaynaaya ee jabhadaha gadoodsani wadaan guul ma soo sidaye shacabkaa ilgeeriga lehee guudka laga saaray
Garcadaa waxgarad iyo hadaan odayo soo gaarin maydkooda gagan waa walaa haadku geylabiye.
Gurgurshaaga awrkuba haddii u garqabad diido ama geelu kabadiisa cuno ma,ahan gaadiide guurtida talada reer gabtana waa gadoo kalaye.
Halkii inagalayr iyo  intaan  hawshu gabax gaarin ee talo gudboontahay ragoow geedka ina keena nin waliba gartiisa ha naqdee gole inuu xaara
 Daahir Cali-dhuux Cumar; balikibir1@yahoo.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso