Doollar Xalay Guday Oo Galbeed Tagay(Yurub) Baadi Goobay W/Q Cabdiraxmaan Cadami
Wakhti Casar ah si aan ku talo gal ahayn waxaan tagay suuqa ugu weyn ee lacagaha lagu kala iibsado ama lagu kala bedesho. Waxa indhahayga soo jiitay lacag cusub oo shilinka Somaliland ah oo ku shaqlan bicihii lagu soo dejiyay, sida badeecadaha kale iyada oo karaatoon ah waxay wadhan tahay shaarica dheer ee sarifleyaasha.
Aniga iyo dadweyne tiro badan oo suuqa ka adeeganayay qof kastaba goonidiisa wuxuu u maleeyay in lacagta xaddigan dhan ‘container-ro’ meesha lagaga rogay. Haddaba si aan naftayda ugu jawaabo waxaan doonay in aan wax ka ogaado lacagta meesha laga keenay ama ay ka timid. Waxa aan afka u dhaweeyay mid ka mid ah sarifleyaasha oo aan dusha ka aqaano waxaanan su’aalay lacagta cusub ee suuqa buux dhaafisay iyo sheekadeeda.
Isaga oo gaagaabsanaya wuxuu ku jawaabay in xubno sarsare oo xukumadda ka tirsan iyo madaxda baanka oo iyaguna la boobaya in ay suuqa ku soo daabulaan si doollar loogu bedelo. Isaga oo ka xun sida ay wax u socdaan iyo masuuliyad darrada madaxda Qaranka wuxuu yidhi “Dawladdu iyadaa shilinka iyo shicibkaba waalaysa, sidee sarrif barar xukumaddu ka dambeyso daawo loogu heli kara?”
Si kastaba ha ahaatee aniga oo warkaa qaba cawayskii waxa aan daawaday muuq baahiyaha Bulsho tv, waxa ka soo baxay dad shicib ah oo qaylinaya iyaga oo ka cabanaya sarrif bararka iyo heerka hoos u dhaca Shilinka Somaliland oo aanay waligood hore u arag, waxaan daawaday mid kale waxa iiga soo baxay dumar dan yar ah oo ooyaya dhammaantood waxay ka calaalacayaan dhibaatada haysata waxaanay farriimo u soo gudbinayaan Madaxweynaha JSL iyo madaxda kale ee ay khusayso sida: wasiirka Maaliyadda iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe iyaga oo ka baryaya gurmad iyo in noloshooda la badbaadiyo. (Illaahayow nin aan waxba ogayn ha caddaabin).
Akhriste xidhiidhka ka dhexeeye bulshada dan yarta ah iyo madaxdooda mashquulka ku ah sii xaalufinta wixii ka sii hadhay hantidii umadda, waxay ina xasuusinaysa oo ay isku eeg yihiin sheeko hore u dhacday waana tan: Dadkii ka soo qaxay dagaalkii gardarrada ahaa ee Itoobiya lagu weeraray 1977 iyo kuwo kale oo ku barakacay dalka gudihiisa (IDPs) waxa la dejiyay goobo ka mid ah Somaliland. Qaxoontigaas oo u badna dad maxas ah inta badan waxa quudin jiray hay’adda Qaxoontiga UNHCR iyo WFP waxase masuuliyadda iyo qaybinta raashinka u xilsaarna saraakiil Soomaali ah oo awood ka haysta madaxda sare ee dawladdii kacaanka oo sida ay doonanba yeeli kara. Raashinka marka Markabka laga soo rogaba waxa lagu rari jiray baabuur si dhuumasho ah iyo goor habeen ah uga gudba xuduudka si looga soo iibiyo dalalka jaarka ah. dumarkii iyo carruurtii loogu talo galay marka ay ka quustaan raashinkii yara ee loo qaybin jiray waxay xaaladdooda uga cawdaan ama u ashkatoodan isla kuwii raashinkoodii leexsaday. Wakhtiga oo ku beegna sideetanaadkii xamaaliinta Berbera ama Geelluhu waxay caan ku ahaayeen heeso hawleed ay isku maaweeliyaan islamarkaana waxay tilmaan ka bixin jireen xaaladdaha marka taaggan. Iyaga oo wax u iftiiminaya maatada war ma qabtada ah ee u cabanaysa isla kuwii dhacay, waxay ku heeseen: Jawaan xalay guday oo Go’day tagay baadi goobay. Iilka kii dhigay ee afka u riday u ergootoy. Haddaba maanta iyaga oo wax dareensiinaya shicibka la daala dhacaya sixir bararka ee u soo cabanaya Madax ka sii jeeda waxay odhan lahaayeen : Doollar xalay guday oo Galbeed tagay(Yurub) baadi goobay. Iilka kii dhigay ee afka u riday u dacwootoy.