Gudaha Ka Eeg :Odayaasha Bariga Hargeysa iyo Degmooyinka Sabowanaag & Cadaadley oo Kulan Ballaadhan oo Taageero ah la Qaatay Murrashaxa KULMIYE

 

Madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda degmooyinka Sabowanaag, Cadaadley iyo weliba Bariga magaalada Hargeysa, ayaa taageero buuxda siiyey xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.
Kulan ballaadhan oo ay salaadiin, cuqaal, aqoonyahan, siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka Hargeysa kula yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE magaalada Hargeysa oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, Afhayeen Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiirka Duulista iyo Hawada Md. Farxaan Aadan Haybe iyo xubno kale ayey hormoodka beesha deegaannada bariga Hargeysa, Sabowanaag iyo Cadaadley ku sheegeen inay taageero hiil iyo hooba ah la garabgeli doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashixiisa, isla amarkaana ay ku qanacsan yihiin siyaasadda ay dalka ku hoggaamiso xukuumadda xisbigaas ka dhalatay.
Sidoo kale madasha ay waxgaradka beeshani ku shaacinayeen inay taageerayaan xisbiga KULMIYE waxa ku sugnaa xubnaha ugu miisaanka culus beeshaas dhinacyada dhaqanka iyo siyaasaddaba oo ay kamid ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Mahad Maxamuud Caraj iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin Timocadde, Xildhibaan Axmed Haybe iyo mudanayaal kale, cuqaal badan, siyaasiyiin iyo odayaasha talo-qabeenka ah ee beesha hoggaamisa, waxay caddeeyeen inay si midaysan u taageersan yihiin xisbiga iyo murrashixiisaba, isla markaana codkooda iyo cududoodaba la garabgeli doonaan.
Madaxdhaqameedka, odayaasha iyo siyaasiyiintani waxay si faahfaahsan u sharraxeen asbaabta ku kalliftay taageerooda KULMIYE, waxaanay tilmaameen inay waxqabadka xukuumadda iyo taariikhda halgan ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ay kaalin weyn ku leeyihiin go’aanka ay xisbiga ku taageereen, waxaanay inta badan xubnaha salaadiinta beesha ee kulanka ka hadashay ay ugu bushaareeyeen guddoomiyaha inuu taageeradooda ku talogalo, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan sidii uu Muuse Biixi Cabdi ugu guulaysan lahaa madaxweynenimada dalka iyaga taageeradoodana si hagar la’aan ah u bixin doona.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa isna si weyn ugu mahadnaqay salaadiinta iyo waxgaradka deegaannada bariga Hargeysa ee go’aansatay inay taageeraaan xisbiga KULMIYE, waxaannu tilmaamay in Guddoomiye Muuse kasbaday dhammaanba hoggaanka beesha ee ay taladu ka go’do.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo kulanka kalmado kooban oo mahadnaq ah ka jeediyey, ayaa bogaadiyey go’aanka ay waxgaradkaasi ku gaadheen inay xisbiga KULMIYE taageeraan, waxaannu ka codsaday inay gacmaha isu wada qabsadaan guusha uu xisbiga KULMIYE mustaqbalka dhaw rajaynayo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso