Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada UNDP Ee Somaliland Mr’s Ilaria Carpen.

Hargeysa(ToggaHerer)Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee Hay’ada UNDP, gaar ahaan xafiiska ay ku leeyihiin Somaliland, Mr’s Ilaria Carpen oo dhawaan loo soo magacaabay inay noqota Madaxa cusub ee Hay’ada UNDP ee Somaliland.

Kulankaasi ay la yeelatay Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland ayaa lagaga wada hadlay Xaalada abaaraha dalak ka jira iyo dardar gelinta mashruuca horumarinta dawlaha hoose ee loo yaqaano JPLG-ga iyadoo balan qaaday in hay’ada UNDP ay kaabis xoog leh ku samayn doonto mashruucani sidoo kalana waxa ay sheegtay in hay’ada UNDP ay qayb laxaadleh ka qaadanayso gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Saylici oo dalka kusoo dhaweeyay sarkaaladan cusub, isagoo ugu baaqay in hay’ada UNDP ay dadaalkeeda sii laban laabto, islamarkaana ay qayb libaax ka qaadato horumarinta dalka iyo u gurmadka abaaraha ku habsaday Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso