Guulihii Culumada ee Soomaaliya

Salaan sharaf leh bahda saaxaafadda iyo akhristayaasha sharafta leh
Guulihii Culumada ee Soomaaliya:
Culumada Islaamka ee Soomaaliyeed laga soo bilaabo xorriyad doonkii oo ay hormood u ahaayeen,waxa ay soo mareen marxalado kala duwan, waxa ay 50 sano ee hore ku guuleysteen;
1- Faafinta Caqiidada, Cibaadada iyo Akhlaaqda toosan.
2- In ay Dhalinyaradii Dacwadda gaadhsiiyaan,Iskuulada iyo Masaajidda lagu camiro Salaada iyo duruusta diimta.
3- Xijaabka Haweenka iyo asturaada cawrada oo faaftey.
4- Waxay caddeeyeen oo la dagaalameen fikradaha qaldan ee Muslimiinta ku soo duuley, sida; Shuuciyadii, Cilmaaniya, Ilxaad, Shiica…
5- Fikirka caamka ee dadka; Siyaasad, Dhaqaale, dhaqanka iyo tacliinta oo la islaameeyey-Diin ku dhaqan guud- Malcaamad ilaa Jaamacado u fureen.
6- Waxa ay soo saareen/tababareen, Culumo, sheekhyo, wadaado, iyo ducaad u taagan fidinta Islaamka iyo waanada.
 
Dadka oo Muslim ahaa, welina Muslim ah, cid kasta oo ka saarta Islaamkana waxay u baahan tahay daliilo cad cad, waxa ay Culumadaasi koox kasta oo ay ahaayeen ka qayb qaateen ku dhaqanka Islaamka guud ahaan.
 
Hase yeeshee, waxa ay ku guuleysan waayeen in ay Xukunka fulinta Shareecada Islaamka garsoorka gaadhsiiyaan , sababo badan awgeed.
 
Waxa laga maarmaan ah, in tacliinta iyo fahanka saxda ah, wacdiga iyo Dugsiyada la sii wado , si aan fursad loo siin fikradihii 50 sano suuqa laga saarey, ee ku liddiga ahaa Caqiidada Islaamka.
Soomaaliya waa Muslim, Dadka, Dalka iyo Diintaba Alle ayaa iska leh, fikrado kasta oo loo waaridona fursad kuma laha.
wabillaahi tawfiiq.
Saad Ina Kaarshe cade

Advertisement

Ku Xayeysiiso