WARSAXAAFADEED – Maagacaabista Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

                                    

Ref. No: XK/XGX/0042253/2017                                                                                                                April 15th, 2017

 

Ku: Kaltuun Haaruun Maxamed                       = Gabiley =

Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley = Gabiley =

                                                           

Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE             = Hargiesa =

 

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE  ee Gobolka Gabiley.

 

 

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE u leeyahay abaabulka haweenka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubinta hoos ku qoran in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.

 

– Kaltuun Haaruun Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha  Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE.

 

Waxa aan u rajaynayaa marwadda magaceedu kor ku xusan yahay in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilkeeda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

                                                        

ALLAA MAHAD LEH 

 

Muuse Biixi Cabdi

Advertisement

Ku Xayeysiiso