Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay inay talaabo adag ka qaadayso urur Diimeedka Alsaadicuun

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta sheegtay inay talaabo ka qaadayso cid kasta oo katirsan urur diimeedka lagu magacaabo Alsaadicuun bil xaq, kuwaas oo dhawaan looga dhawaaqay meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Shir jaraaid oo ay maanta Garowe ku qabteen saraakiisha amniga Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal ayay ku sheegeen inay gacanta kusoo dhigayaan cidii taageerta ama ku biirta ururkaas oo ay dowladda Puntland u aqoonsan tahay Takfiir iyo budhcad diimeed.

Guddoomiyha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay Puntland mamnuuc ka tahay ururo diimeed nuuc kasta oo uu yahay, isagoo sheegay ururkaan inuu qeyb ka yahay ururada dowladdu kula jirto dagaalka.

Halkan GujiSi aad u Dhagaysato Maamul Goboleedka Puntland

Advertisement

Ku Xayeysiiso