Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Amb Cabdi-Fataax Cismaan Cigaal Oo Loo Magacaabay Safiirka Somaliland U Fadhiyi Doona Dal-Waynaha Jarmalka.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Amb Cabdi-Fataax Cismaan Cigaal Oo Loo Magacaabay Safiirka Somaliland U Fadhiyi Doona Dal-Waynaha Jarmalka.

 

 

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Qalinka Ku Duugay Magacaabista Xilka Safiirka Somaliland u Fadhiya Dal-waynaha Jarmalka oo Bulshada Somaliland ee Dalkaasi dagani Baahi badan U Qabeen.

Wasiir Sacad Markii uu la tashaday Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada oo uu ugu horeeyo Wasiirku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Mudane Kayse Guray waxa ay isla qaateen in uu buuxin karo kana soo bixi karo Xilka Safiirka Somaliland ee Dal-waynaha Jarmalka Mudane Amb, Cabdi Fataax Cismaan Cigaal waxana Wasiir Sacad uu qalinka ku duugay Warqada Magacaabista Masuulkan .

Amb Cabdi-fataax Cismaan Cigaal Waxa uu hada Hayaa Xilka Gudoomiyha Guud ee jahliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka 2 dii Sanno ee La Soo dhaafay, waxana Xusid mudan inuu mideeyey Dhamaan laamihii Jahliyada Somaliland ee Gobalada Dalka Jarmalka oo hore aanay Gobalo Badan Uga shaqayn Jirin Jahliyadu .

Amb Cabdi-fataax ayaa Intii uu hogaanka Guud ee Jahliyadaha Somaliland ee Dalka Jarmalka hayey waxa uu ku guulaystay Inuu Dalka ku soo dhaweeyo Madaxbadan oo ka soo kicitintay Dal-keenii hooyo,Shirar Caalami ah na la yeelatay Madaxda iyo Haayaadaha Dalkan Jarmalka, waxaana ugu danbeeyey Shiwaynihii Maalgashiga Somaliland ee Sanadkii dhamaaday Dabayaaqadiisii ka dhacay Caasimada Berliin halkaas oo ay Shirka Ka Soo Qayb Galeen Madax ka socota Dawlada Jarmalka ,Ganacsato Tiro badan oo danaynaya inay Maal galin ku sameeyaan Dalka Somaliland iyo Wufuud tiro badan Oo Wasiir Sacad Hogaaminayo oo ka soo Kicitintay Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso