inaga diintu waxay na soo gaadhay intay madiina gaadhin

Islaamka ka hor dadyowgii ku dhaqnaan jirey jaziirada carabtu waxay ahaayeen qaar caqli ahaan hooseeya,dareen ahaana liita,iyagoona ahaa kuwa juhaala,xaqiri jirey haween,isku layn jirey awood,isla markaasina isku faani jirey qabyaalad,waxay ahaayeen qaar adoonsada madowga,waxayna ku hoos noolaan jirey laba boqortooyo oo laga dhihi jirey faaris iyo room.

dhulka madiina ahayd meel ay ka oognaan jireen dagaalo qabaliya,jeero la waayayba odayaasnii ,oo ay isku hadheen dhalinyar waana sida ay kusoo jiri jireen guyaalo badan.

iyadoo sidaas ahaan jireen ayaa waxa usoo baxay nabi muxammed,wuxuu baray qiimah naf,isla markaasina karaamada qof,wuxuu ku booriyay waajibaad  xaq iyo ka karaamaynta  jiraanka iyo waliba  isku naxariisashada muslimiinta dhexdooda,diintaas way faaftay iyadoo buldhig u ahayd cadaalad.

waxay gaadhay meel kasta iyo buqcad kaste waxay soo taabatay jidaarka chinaha iyo waliba hindiya undulus iyo waliba maqrab indooniisia iyo waliba afrika dhamaan waa diintii soo baxday muddo haatan ku siman afar iyo toban qarni ka horoow.

inaga ahaan  diintu waxay ina soo gaadhay intay gaadhin madiina taasna waxa tusaale cad inoogu ah,mazaajid labada qibladood ee ku yaalo zaylac.dhawaan waxaan maqlayaa urur diimeed sheegtay inuu u taaganyahay kaasi oo  ku andacoonaya in dadka uu diinta dib ugu bilaabmi doonno ,adeer waxaan ku leeyahay anaga diintu waxay nasoo gaaadhay intay madiina gaadhin ee hadaalina salaam

hamse riraash

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso