Deg Deg : Ganacsatada Kala Duwan Ee Ka Ganacsada Suuqa Waaheen Ee Hargaysa Oo Albaabada Loo Laabay, Sixir-Bararka Xadhkaha-Goostay Awgeed . .

Waxaa Saaka gabi ahaanba Albaababada loo laabay Meheradaha Ganacsi ee Suuqa Waaheen, Kuwaas oo ka ganacsan jiray, Dharka, Kabaha, Khudradlayda, Bakhaarrada Bagaashka Keenaa, Bakhaarrad Raashinka iyo Meheradaha kale ee Ganacsi .

Sababta ugu wayn ee Ganacsatada ku kalliftay talaabadan ay ku xidheen meheradahoodi ganacsi ayaa la xidhiidhaa Sixir-Bararka ba’an ee dalka ka jiraa .

Wararka ka imanayaa Suuqa Waaheen ee Hargaysaa ayaa tibaaxayaa in Taliyaha Guud ee Police-ka Somaliland oo ay weheliyaa  saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka ay ganacsatada ku qasbayaan in ay furaaan meheradaha .

Sixir-Bararka ayaa saameen taban ku yeeshay nolosha Bulshada, Iyadoo xukuumadduna tahli-wayday in ay xal cilmiyaysan ku furdaaamiso xaaladdan adag ee bulshadu la daristay muddooyinkii ugu danbeeyay .

Advertisement

Ku Xayeysiiso