Doorka Barbaartu Ee Talada Dalka iyo Booqashadaydii Guddoomiye Sharmaarke Geelle W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

Tan iyo 12kii Ogos 2006da oo Somaliland markii kowaad laga xusay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka, waxa aan ka mid ahaa inta u heellan inay barbaartu talada dalka saami ku yeeshaan. 23kii Ogos 2006da ayaan curiyay maanso magaceeda Xaqdoon la yidhaahdo oo nuxurkeedu yahay in da’yarta laga qayb-geliyo hoggaanka dalka. Meerisyadeeda waxa ka mid ahaa:

 

Tan iyo wakhtigii xornimo

Raggii lixdankii xilkiyo

Xayuubsaday maamulkaa

Illaa hadda xaadiroo

U xaydan kuraasidoo

Xafiiskana doonayee

 

Barroosin xabaalan iyo

Ma xididdaa uga dul baxay

Xaruumahan dawladdoo

Xukuumaddu waa dukaan

Xisaabtiisa ay hayaan??

Mise waa xilo mar hore

Xaakinku u guuriyoo

Anaa xergiyoon ogayn??

Kaddib markii da’da murashixiinta goleyaasha deegaanka Somaliland laga dhigay 25 sano iyo dhalashadii xukuumadda Siilaanyo ee 27kii Julaay 2010ka, waxa suurtagal noqday in xilal intii hore ka tiro badan ay qabtaan dhallinyaro badan oo reer Somaliland. Da’yarta hoggaanka dalka qaybta ka qaadatay waxa ay isugu jiraan kuwo la bogaadiyo iyo kuwo la duro, mid kastaana waxqabadkiisa ayuu ku mutaa dareen-celinta togan ama taban ee dadka. Waxa aan maantana qormo kooban ku eegi lahaa Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaarke Axmed Muxumed oo ka mid ah dhallinyarada loo igmaday mansabyada culus.

Bishii sagaalaad ee Sebtember sannadkii 2011ka ayaanu bareyaal ka wada noqonnay dugsiga sare ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa. Fasallada kowaad ayuu Kimistariga u dhigi jiray, aniguna macallinka Bayoolajiga ayaan ahaa. Waxa uu ahaa aftahan codkar ah iyo barbaarshe ku fiican gudbinta casharrada uu daaddihinayo. Inkasta oo uu isla gu’gaas ka qalin-jebiyay Jaamacadda Camuud, waxa uu kalsoonida ardayda ku kasbaday hannaankiisa qurxoon ee waxbarista. Sidaas awgeed ayaa uu uga mid ahaa bareyaasha ku suntan wadneyaasha ardayda.Sannad kaddib ama 2012kii ayuu ku biiray hawl-wadeennada Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Waxa aan Guddoomiye Sharmaarke Axmed Muxumed ku booqday xafiiskiisa subaxnimo Sabti ah oo sooyaalku ahaa 08dii Abril 2017ka. Abbaaro 11:30 ayaa aan xafiiskiisa galay, halkaasna waxa aan kala kulmay soo-dhaweyn iyo qaabbilaad sare. Xog-wareysi kooban kaddib waxa aan Guddoomiye Sharmaarke weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa in uu iiga warramo waayihiisii qalin-jebinta Jaamacadda Camuud, xilliyadii macallinnimada iyo sidii uu ku bilaabay shaqada qaranka oo uu ugu horraan ka mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Somaliland.

 

Isaga oo arrimahaas inoo faahfaahinaya waxa uu yidhi “Sida aad walaal sheegtay waxa ay ahayd 2011kii markii aan ka soo baxay Jaamacadda Camuud oo aan shahaadada degreega ku qaatay maaddooyinka Bayoolajiga iyo Kimistariga, qaybta macallinnimada. Markii aan soo dhammeeyay waxa aanu dugsiga sare ee Nuuradiin saaxiib ku noqonnay Abwaan/Bare Sare Siciid Maxamuud Gahayr oo isaguna ahaa macallinka Bayoolajiga. Haddii aan sheekada ku noqdo maalintii aanu Jaamacadda Camuud ka qalin-jebinnay waxa nalaga soo qayb-galay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanay ii ballan-qaadeen in aan ka mid noqon doono shaqalaaha ka hawl-gala Wasaaradda Madaxtooyada. Noloshayda waxa maalintaas ku dhacay is-beddel, iyada oo si u jihaysnayd ayaa ay si kale u jihaysantay. Haddana diyaar-garawgii iyo intii aan madaxtooyadda ku sii dhawaanayayba ma aan sugine, waxa aan aroornimadii ku xigtayba shaqadii macallinnimada ka bilaabay dugsiga sare ee Nuuraddiin oo wada-hadal noo socday. Taasina waxa ay sababtay in aan muddo dheer macallin sii ahaado oo aan bahda waxbarashada ku sii dhex jiro.

 

Kaddib uu xidhiidhkii madaxtooyadu noo adkaaday ee la iigu baaqay in aan xafiisyada muhiimka ah ee madaxtooyada ka soo hawl-galo, waxa aan joojiyay waxbaristii. Halkaygiina waxa buuxiyay macallin kale. Waxa aan si toos ah isugu soo luga duwaday wasaaradda madaxtooyada. Xafiiskii kowaad ee aan madaxtooyada shaqadeeda ka bilaabay waxa uu xidhiidhka dawladda (Presidential Office for government communications). Ujeeddada xafiiskani waxa uu ahaa in la wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya laamaha dawladda, in si wanaagsan loogu wadaago xogta qaybaha xukuumadda, in wasiir kastaaba si fiican ula socdo hawlaha wasaaradda uu masuulka ka yahay, diyaarinta waxqabadka xukuumadda oo aanu qayb ka ahayn in aanu ka soo qaadno xarun kasta iyada oo qoraal ah ama in ay noo soo diraan iyo hawlaha isku-xidhka guud ahaan laamaha xukuumadda

Muddo kooban ku noqday Xoghayaha Gaarka ah ee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan. Xilliyadan oo aanu xidhiidh lahaynna, waxa uu waajibaadka qaranka u gudan jiray si bogaadin mudan. Waayadan waxa uu safarro shaqo ku galaa-bixiyay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Sidii aan hore ugu bartay waxa uu ahaa hawlkar maddaale ah, qof weji-furan, shakhsiyad hodan ku ah habdhaqan togan iyo xilkasnimo. Dhanka kalena waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada mar kasta is-xilqaanka ugu adeegta bulshada ee doorka laxaadka leh ka qaata barnaamijyada horumarinta, samafalka iyo wadajirka barbaarta Somaliland. Sharmaarke Geelle oo ka warramaya waayihii uu ahaa Xoghayaha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo magacaabistii loogu xulay Xoghayaha Golaha Wasiirrada Somaliland waxa uu yidhi:

 

Xafiiskaa markii aan ka soo gudbay waxa aan noqday Xoghayihii Wasiirka Madaxtooyada, halkaas ayaan u soo dhawaaday. Sidoo kale shaqooyin ayaa ii dheeraa oo waxa aan ahaa xidhiidhiyihii Haayadda Waddooyinka iyo Wasaaradda Madaxtooyada, maadaama oo ay dalka waddooyin badani ka socdeen waxa aan haayadda waddooyinka ku waday kaabis iyo kabitaan, si xidhiidh loogu sameeyo haayadda waddooyinka oo shaqaynaysay iyo madaxtooyada. Sidoo kale waxa aan ahaa Xoghayaha guddida qaran ee dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco. Markaa intii aan wasaaradda madaxtooyada joogay, waxa aanu wasiirka madaxtooyada iska caawinaynnay meelo badan. Sidoo kale waxa aan wasiirka u qaabbilsanaa xidhiidhka saxaafadda iyo dhallinyarada.

Shaqadaa dheer dabadeeda waxa dhacay is-beddel kale oo nololeed, Oktoobar 2015kii ayuu wasiirkii hore ee madaxtooyadu shaqada ka degay, waxaana xilkii la wareegay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi. Waxa na dhexmaray shaqo dheer iyo hawl u baahan inaad si fiican uga soo baxdo masuuliyaddaada, waayo waxa is-beddelay laba wasiir oo laga yaabo in ay siyaasadda ku kala duwan yihiin. Markii aanu muddo wada shaqaynnay wasiirka cusub, waxa yimi is-beddel kale oo waxa aan noqday Xoghayihii Golaha Wasiirrada Somaliland”

La soco qaybta kale haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso