War Deg Deg ah: : Kooxdii kaga Dhawaaqday Hargeysa Koox Diimeedka Al-Saadicuun Bil Xaq oo Xabsiga Lagu Guray

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qabqabtay Xabsigana u taxaabay koox Hargeysa Kaga dhawaaqday Urur Diimeed la baxay Al- Saadicuun Bil Xaq .

Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Jenaraal Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyey Goor dhawayd in ay qabteen Xidhxidheena 3 XUbnood oo ka mid ah Ragii ku Dhawaaqay Urur Diimeedkaas oo ah mid a an sharci ahayn, sidoo kalena ay Xadhigooda ka xalaaleeyeen Isla Markiiba Maxkamada.

Taliyaha ayaa sheegay in sida ugu dhakhso Badan Sharciga iyo Maxkamada u Horgeyn doonaan arrinta loo xidhayna tahay Arrimo nabadgelyada dalka khatar ku ah.

Koox diimeedkan oo dhawaan lagaga dhdawaaqay Magaalooyin kala Gedisan oo Caalamka ah ayaa Dad Badan ku abuuray shaki iyada oo Dad ka qaar iyo Culimo ba ku sheegeen in ay Yihiin Takfiiriyiin isqarinayay Muddo dheer halka iyaga laftooduna sheegeen in ay muddo ku dhdaw 40 sanno Isqarinayeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso