Wardegdeg ah: Nin Ku labisnaa Dirayska Ciidanka Xooga oo Qarax Is miidaamin ah ka gaystay Xerada Ciidanka Ee Ex Warshadii hore ee nacnaca. dhimasho iyo dhaawac uu sababay qaraxani

Waxaa goordhaw qarax xogan uu ka dhax dhacay xero ay ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin Ex -Warshadii hore ee Nac naca ee Degmada Wadajir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar hor dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa ismiidaamin uu fuliyay nin xidhnaa dareeska ciidanka Milatariga , waxa uuna qaraxa ka dhacay gudaha xerada halkaas oo lagu tababaro ciidanka Milatariga.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan qarxay uu beegsday goob lagu tababarayay ciidanka Milatariga halka warar kalana sheegayaan in uu beegsaday goob ciidanka Milatariga lagu siinayay mushahaaro.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhawayd ka dhacay Xerada Ciidanka Milatariga ku leeyihiin Warshadii hore ee Nac naca, waxaana gabi ahaan la xidhay wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xeradaasi.

Warqabadka Togaherer
Muqdisho

Advertisement

Ku Xayeysiiso