Inta ilaa Hadeer La xaqiijiyey Waxaa ku Geeriyooday 10 Ruux oo isugu jira Saraakiil iyo Asar Qaraxi saaka ka dhacay Xerada Ciidanka ee Ex Warshadii Nacnaca.

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goor sii horeesay ka dhacday Ex Warshadii hore ee Nac naca oo hada ah Xero ay degan yihiin Ciidanka Milatariga dowlada Soomaaliya.

Ninka is qarxiyay ayaa la sheegay in uu soo xirtay dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay xirtaan askarta tababarka uga socday xeradasai, waxaana u suurto gashay in si caadi ah uu gudaha ugu galo xerada.

Qaraxa ayaana ka dhacay gudaha xerada gaar ahaan goob ay fadhiyeen saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo askar, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo isugu jira Saraakiil iyo askar katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya kuwaa oo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaal ciidanka Milatariga leeyihiin.

Dadka dhintay waxaa ku jira Saraakiil katirsan Ciidanka ay ku jiraan tababarayaal, Idaacada Kulmiye ayaana sheegtay in Saraakiisha qarxaasi lagu dilay ay ku jiraan G/dhexe Abuukar Dheere iyo Labo-Xiddigle Macalin C/kariin ,Kabtan Bilaawe cadde iyo Kabtan Badri Sheekh Aadan Madaxii Tababarada Ciidanka Degan Xerada Warshaddii hore ee Nac-naca.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan xoogan ee ka dhacay Ex Warshadii hore ee Nac naca ay hada degan yihiin Ciidanka Milatariga, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 24-qof oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo katirsan Milatariga.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan Ismiidaaminta ah ee lagu weeraray xerada ay degan yihiin Ciidanka Milatariga, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in ay socdaan baaritaano lagu ogaanyao sida uu xerada ku galay ninka is qarxiyay .

Advertisement

Ku Xayeysiiso