Waa maxay xidhiidhka ka dhexeya Cashuurta iyo horumarka dalka (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Waa maxay xidhiidhka ka dhexeya Cashuurta iyo horumarka dalka  (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Muwaadin cashuurtu waa waajib distooriya kaas oo laga qaadayo muwaadininta somaliland iyo ajaanibka dalka joogaba marka laga reebo qolyaha loo yaqaano kuwa cashuurta sharcigu ka dayay (Tax Exceptions) sidoo kale cashuurtu  waa waajibaad lacag bixineed  oo  sharci  ah  oo laga wareejinayo dhaqaalaha gaar ahaaneed  loona wareejinayo dakhliga guud ee qaranka, si loogu fuliyo waajibaadka hawleed ee dawladdu qaranka u hayso.

Dal wuxu gadhaa isku filansho iyo horumar baladhan marka uu muwaadinintisu u hagar baxaan bixiyaana cashuuraha kala duwan ee  ku waajibay dhamaan hantidooda noocyadeda kala duwan kuwaas oo kala ah cashuuraha tooska(Direct Tax) ah iyo kuwa dadban oo ah (Indirect Tax) bal aan tusaalayaal ka soo qadano noocyada cashuuraha ee dalkena ka jira

Cashuuraha  Dakhliga,Cashuurta Gadista ,Cashuurta Moorka ,Ajuurada wadda Marista ,Ajuurada,Diiwaan Galinta

Ajuuroyinka(Fees) waxay u kala baxaan;-

Ruqsooyin – (Concession fees), Diiwaan galin –( Registration) fees,Khidmada Adeegga- (Service Charges fees)

Waxaa kale oo muiwaadin jirta cashuurta laga qaado dhamaan wixii dalka lala soo dago iyo wixii la dhoofiyo (Customs) oo ah cashuurta manta  qaybta ugu balaadhan ee cashuuraha dalkeena ka shaaqeysa.

Hadaba si aynu u gaadhno horumarka balaadhan ee aan higsanyno kaas oo ay ka mid yihiin inaan helo wadooyin heer caalami ah, cududu ciidan oo cadawgeena u babac dhigta, inaan helo adeeg waxbarasho oo tayo sare leh, dhinaca baahida biyaha oo aan donayno inaan ka baahi baxno iyo inaan helo adeeg caafimaad oo  bilaash tayo sarena leh muwaadin waa inaan bixinaa cashuurta taas oo ah lafdhabarta keenaysa waxaas oo horumara oo aan higsanayno.

Dakhliga cashuureed ee dalka u soo xarooda ayaa lagaga talo gala xadiga mashaaric ee dalka laga fulinayo taas waxay ku tusaysaa in hadii la donayo in la kordhiyo masharicda kala duwan ee dalka horumarka u leh waa in laga wada qayb qataa bixinta cashuuraha kala duwaan ee qaf walba ku waajibay si aan inaguna taa badalkeda u helo mashaaric dalka iyo dadkaba faa,iido u leh tusaale: hadii la donayo in la dhiso biyo xidheeno kaaas oo aan ka faa,idaysno adeegisa biyaha inagoo u isticmaalayna warabka wax soo sarka beeraha si aan taa u helo waa inan cashuurta u bixinaa si hagar la,aan.

Dalkeena somaliland higsigisa iyo himiladisu waa inaan ka mid noqono wadamada hore u maray ee ka maarmay caawimada shisheeyaha ee gadhay isku filaanshaha si aan taa u xaqiijino waa inaan marnaa dariiqa ugu fudud ee ay ku gaadheen wadamada horumaray kaas oo ah inay muwaadinintoodu ay si hagrasho la,aana u bixiyeen dhamaan noocyada kala duwan  cashuuraha ee ku waajibay.

Dawladana waxaa laga rabaa in si wanaagsan loo maamulo dakhliga cashuuraha ee u soo xarooday lana helaa nidaam isla xisaabtan oo mujinaya in xor ka yahay musuq maasuq iyo hanta lunsi, dalkana waa in si siman mashaaricda horumarineed loo wada gadhsiyaa.

Waxaan hadakyga ku soo afmerayaa tuducan gabayga ah ee lagu cabirayo hadii aan cashuurta bixin wayno in wax badani inoo qabsoomi donin

Hadaad diido cashuurta

Da,yartad korinayso

Taclin loo heli mayo

Daawo loo heli mayo

Adigana duleeyey

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

Samiir.net@gmail.com,  00252-634241542

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso