DAAWO: Guddoomiyaha KULMIYE oo ka jawaabay su’aalo badan oo aqoonyahanka jaamacadda Hargeysa waydiiyeen

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad loo sameeyey arday ka qallinjabisay Jaamacadda Hargeysa oo shahaadada labaad (Master Degree) ka qaatay culuunta Dawlad-wanaagga iyo Hoggaaminta.

Munaasibadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Green Plaze xalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada iyo Warfaafinta, Guddoomiyaha xisbiga UCID, masuuliyiin ka socday xisbiga WADDANI, madax kale iyo ardayda ka qallinjabisay jaamacadda Hargeysa, waxaanna khudbado halkaasi laga jeediyey lagaga hadlay muhiimada aqoonta iyo kaalinta aqoonyahankan cusub uga bannaan inay ka qaybqaataan horumarka waddanka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo bogaadin uu u diray ardayda kadib waxa uu tilmaamay doorka looga baahan yahay in jaamacaduhu ka qaataan kulamo lagu faaqido horumarka iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyadda.

Waxa kaloo uu sharraxaad ka bixiyey waxqabadka xukuumadda xisbiga ka hirgelisay waddanka muddadii ay xilka haysay iyo qorshaha xisbigu doonayo inuu ku sii ambo-qaado horumarkaasi haddii mar kale shacabku u doortaan.

Dhinaca kale, aqoonyahanka Jaamacadda Hargeysa waxay halkaasi su’aalo ku waydiiyeen labada Guddoomiye xisbi ee KULMIYE iyo UCID, iyadoo si gaar ah Guddoomiye Muuse Biixi uu jawaabo waafi ah uga bixiyey waydiimo tiro badan oo ay ugu talogaleen dhallinyaradii madasha joogtay, kuwaas oo la xidhiidhay xisbiga KULMIYE, qorshihiisa hoggaamineed, shuruucda dalka iyo waxyaabaha mudan ee uu doonayo inuu wax ka qabto haddii uu ku guulaysto talada waddanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso