Sawirada u Horeeyey ee ka Soo Baxaya Falkii Gaadhi Jiidhsiinta ahaa ee Stockholm iyo Ra`isal Wasaaraha Sweden oo Ku Sheegay Fal Argagaxiso

Sawirada u horeeya ee ka soo baxaya Falkii gaadhi jiidhsiinta ee Stockholm ka dhacay Maanta oo Jimce ah ayaa muujinaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac labaduba, mashaqadan oo ka dhacday mid ka mid ah wadooyinka halbawlaha u ah Caasimada Sweden.

Booliska ayaa goor sii horeysay sheegay in gaadhi dad la jiidhsiiyey Waxayna intaa ku dareen ugu yaraan dhimashada Saddex Ruux iyo tiro dhaawac ahi in ay jiraan.

Geesta kale Ra`isal Wasaaraha Sweden ayaa Falkan ku tilmaamay Mid argagaxiso.

Geesta Kale Sida ay sheegtay Idaacada TT ee laga lee yahay Sweden in tiro dad ah la qaaday laguna guray gawaadhida Gurmadka Degdeg ah waxayna intaa ku dartay in Qiiq weyne ka kacay goobta Falku ka dhacay .

Goobtan waxa Soo buux dhaafiyey Ciidamada Amaanka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso