Hargeysa, Caasimad la hagraday

Hargaysa, Caasimad la hagraday (W/Q: Mahad Muxumed C/salaam)

Caasimada Hargaysa ee Jamhuuriyada Somaliland waxay baarka ka jartay 25 sanno hase yeeshee isbedel lataabankaro oo dhanka qorshaha caasimada ahi ma jiro. Waana arin uu dareemo qofkasta oo yimaada Hargaysa oo ay muddo ugu danbaysay. Hargaysi malaha wadooyin dhisan oo xitaa kuwa badhtamaha magaaladu waa raf boodh badani kakaco wakhtiga baabuurta badani isticmaalayaan. Hargaysi malaha numbarada lagu garto wadooyinka (street numbers) waxa adag sida martida dunida inooga timaado ay u socdaali karaan . hargaysi malaha goobaha ladhigto baabuurta ee baarkinka, iyadoo ay jiraan goobo badan oo laga hirgalinkaro sida barxada hore ee bangiga dhexe oo ah dhul balaadhan oo qaadi kara baabuur tiro badan. Hargaysi malaha biyo mareeno, xiliga roobkana gebi ahaanba waa doox oo dadku ma soconkaraan biyaha rogmanaya aawadeed, baabuurta laftooda ayaa meelaha qaar aan mari Karin.
Hargaysi malaha nalalka wadooyinka ee habeenkii, taasina waxay kaqayb qaadataa in dhalin yaro budhcad ahi ay dadka baadhaan iyagoo ka faa’iidaysanaya madawga. Hargaysi malaha adeeg biyo oo inta ugu badan magaalada waxa u dhaamiya booyado lacago badan qaata.
Marka laysku daro arimahaa oo dhan waxa muuqata sida caasimada hargaysi uga aradan tahay adeegyada looga baahan yahay in laga helo caasimad, iyadoo hargaysa ay ku noolyihiin baabulayshanka Somaliland inta ugu badan, waxa degan ganacsatada ugu lacagta badan, waxa yaala hantida ugu badan,Waxa degan madaxdii qaranka oo dhan. Markaa waxay u muuqataa inaan la waayin hab la’isu kaashado Dawlad iyo shicib, laakiin waxaan jirin hormood u darban hawsha baaxada leh ee taala. Taa waxa u markhaatiya masuulkasta oo dawlada ka tirsani wuxuu galaa guri weyn oo aad qasri moodo laakiin laga yaabo inay hormarto wado raf ah oo boodh badan.
Waa mushkilad wayn haddii waxlasoo kordhiyo daayoo wixii dhimanaa lagu xisaab tami waayo
Waayo caasimadu way sii balaadhanaysaa, dadkuna way sii badanayaan waxaana marwalba la kordhaya baahiyaha caasimada, sida suuqyo cusub, sariibado, garoomo iyo goobaha gaadiidka.
Waa masuuliyada dawlada hoose dhamaan qabyada aynu soo xusnay, waanay dhamaystirikaraan haddii ay fikir badan, maal badan iyo wakhti badan geliyaan, dadweynuhuna ay la shaqeeyaan waxaana hubaala haddii ay dadweynuhu arkaan masuuliyiintoodii oo shaqaynaya inay garab istaagayaan, maxaa yeelay dadkeenu waa dad wadan kooda jecel hawlkastana wax ku darsada.

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso