Degdeg Gudaha ka akhri: Madaxweyne Farmaajo Oo Xililkii ka Qaaday Taliyayaasha Nabadsugida, Milatariga , Booliska, Abaanduulka Ciidanka iyo Duqa Muqdisho Sidoo kale Magacaabay Xubnihii Badali lahaa

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dood dheer kadib ansixiyay in xilka laga qaado Taliyaasha Ciidanka Nabad Sugida , Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya iyo magacaabista Taliyaal cusub.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ayaa laga qaaday Gen C/Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida Qaranka.

Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidanka, waxaana Taliyaha Cusub ee Milatariga loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Taliyihii ciidanka booliiska Gen Maxmed Sheekh Xaamud ayaa isna sidoo kale xilka laga qaaday waxaana xilkan loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo kale soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Xiligii Xasan Sheekh.

Warqabadka Togaherer
Muqdisho

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso