Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay..Q.4aad

   Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay Jamhuuriyada Somaliland iyo dawlad ku sheegga federaalka Somalia…Q.4aad.

 

Afeef:

Muwaadin, arrimaha qaranka iyo horumarkiisa cidna ugama habrado,talaabooyinka siyaasadeed ee lidka

ku ah qaranka hayga filina inaan garab siiyo.

 

Haatana waxaabay marayaan, ka dar oo dibi dhal.

Muwaadin horaa loo yidhi hubsiimo hal baa la siistaa,waxaa marag ma doon ah xisbiga qaran ee Waddani hiigsigii uu ku doonayay inuu hanto hogaanka dalkan JSL waxuu haadaan ka dhacay maal-mahii ay ku biireen 2da kooxood ee kala ah:

1.Hadhaagii wasiiradii UDUB

2.Wasiiradii cadhada kursiga iska cassilay Xukuumada jirta.

Hadaan kala qaado 2dan kooxood oo aan ku horeeyo wasiiradii hore ee ka jooga hadhaagii UDUB dhamaan waxay ka soo jeedaan Hargeysa,waana isku degaan,tani waxay tilmaamaysaa siyaasad beelaysan,waxaanay xisbiga Waddani ugu biireen waa tabasho ay u tiranayaan xukuumada ilayn waa tan lagu waashay saami qaybsiga beelaha,ahna jaran-jaro dalkani ka soo gudbay.

Kooxda 2aad ee wasiiradii hore ee cadhada kursiga awgeed iskaga cassishay xukuumada maanta jirta iyagu waxay ka soo jeedaan degaan-no kala duwan,waxaana isku tolay dano gaar ah oo ay ka lahaayeen inay gacanta ku dhigaan kursiga musharaxa xisbiga kulmiye si ay u hantaan kursiga dalka ugu sarreeya.Waxaana ka qaldamay talaabadii iyo qiyaastii ay qaateen tiiyoo dhawr bilood ka dhadheen shirkii golaha dhexe ee kulmiye,laguna dooranayay musharaxiinta.Tanaa keentay inay cadho madax martay iskaga cassilaan iyagoo hayay wasaaradaha dalka ugu culus,ahaana wasiirada ugu tunka weyn.Tusaale,wasiirka madaxtooyada,wasiirka arrimaha dibada iyo wasiirka cadaalada.Waxaanay xilalkaa hayeen muddo aan yarayn. Ku darsoo waa saddexda wasiir ee shacabku qaaq ka yidhaaheen 6da sannadood ee ay  ka tirsanaayeen xukuumadan maanta dalka hogaamisa.Aragtida siyaasadeed ee kooxdani waxay shacabka u iftiimisay inay ku salaysan tahay danno iyaga u gaar ah,waana sababta ay ugu biireen xisbiga qaran ee Waddani.

Hadaba muwaadin,aragtiyahaa kala duwan ee 2daa kooxood waa ta qorshahii siyaasadeed ee xisbiga Waddani dhaxal siisay jiho wareerka,kuna riday haadaanta.Waxa is-waydiin mudan waa maxay siyaasada cusub ee 2dan kooxood,kana kooban wasiiro hore dalka uga soo taliyay maanta ay ugu hanqal taagayaan mar labaad inay dalka ka taliyaan? 

Muwaadin waa ta xisbiga Waddani ku hagtay inuu jiidho xeerka No.14/2011,kuna qasbay dhismahii xisbiga Waddani inuu noqdo tusbax furmay. Markaa xisbiga Waddani oo ku jira qass siyaasadeed ayay ku soo baraarugeen mashruuca saldhiga ciidan.Tanaa ku hagtay diidmo qayaxan oo aan sal lahayn inay kaga hortagaan saldhiga ciidan,waana sababta shacabku u arkeen masuuliyiinta xisbiga qaran ee Waddani inay kala garan waayaan Jamhuuriyada Somaliland iyo dawlad ku sheega federaalka Somaliya.

Muwaadin, waxa aan taxanahan ku soo gaba-gay nayaa xaalada siyaasadeed ee xisbiga Waddani waxay ka dhigan tahay riwaayadii Cunaaye AHN ee daawada-yaashii kolba intuu ku soo noqdo ku yidhaa hadana way kan..dabeedna markay dadkii kici waayeen jawaan uu ku diyaarsaday bisado ku sii daayay,naxdintiina lays jiidhay.

 

Xuseen Xasan Badmaax

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso