Agaasime XINIF Oo Qiimayn Ku Sammeeyay Tiraddii Isu-Diwaangalisay Doorashadda Madaxtooyadda Iyo Odoroska Xisbigga Tiradda Ugu Badan Ee Codadkaas Hanankara

Hargaysa:(Togaherer)-Agaasimaha Maamulka Komishanka Xakamaynta Aids-ka,Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax,kana mid ah Xisbigga taladda haya ee KULMIYE,ayaa qiimayn qoto-dheer ku sammeeyay tiradda la-shaaciyay inay sannadkii 2016-kii isu-diwaangalisay Doorashooyinka Somaliland kusoo foolka leh oo ay ugu horayso ta Madaxtooyadda oo muddaysan Bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno.

Md.Xinif,waxa uu sheegay in aan marnaba la fillan-karin in Tiraddaas is-diwaangalisay ay wada-codayso,iyadda oo ay dhici kartaba inay kala-badh uun coddeeyaan. Waxa kale oo tiraddan barbar-dhig la sammeeyay tii la qabtay sannadkii 2008-dii ee lagu galay Doorashaddii Madaxtooyadda ee dhacday sannadkii 2010-kii eek u guulaystay Xisbigga KULMIYE.

Qoraal uu soo saaray Cabdikarriim Xinif oo war-baahinta soo gaadhay,ayaa waxa ku muujiyay cel-celis ahaan Xisbigga ay u dhaw-dahay inuu hanto guud ahaanba tiradda ugu badan ee dadka codayn doona doorashada soo socota,waxaana uu qoraalkaas oo dhameystirani u dhignaa sida tan; “

Waxan halkan si kooban ugu eegayaa natiijadii diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha ee komishanka KDQ ka soo saaray Diwaan-gelintii dalka laga sameeyey 2016 taas oo noqotay 87,3331qof.
Waxa cad in aan dhammaan tiradani cod-bixinta doorashada ka qayb-gelayn sababtay doonto ha noqotee.waxan ku eegi doonaa inta aan is leeyahay way ka qayb qaadanaysaa doorashada.
waxan kale oo aan ku eegi doonaa saddexda xisbi ee doorashada u taagan xisbi waliba inta ay ila tahay inuu ku yeelanayo tiradaa u soo hadahay cod bixinta anigoo u eegaya sidaaan u arko taageerada xisbiyadu ku kala leeyihiin gobollada ,xisbi waliba gobolka uu badsan karo, iyo gobolka xisbiyada kale kaga horrayn karaan uma eegayo beelo iyo reero laakiin waxan u eegaya aa hab gobolaysan maaha aragtidani mid aan leeyahay waa ta ugu saxsan laakiin waa qof iyo qiimayntii.
Waxan marka hore bar-ba dhigayaa diiwaangelintii cod-bixiyayaasha ee 2008 intii ay ahayd iyo intii cod-bixinta ka qayb gashay

Natiijadii diiwaan-gelinta codbbixiyayaasha 2008

1,069,914

Tiradii codkabixisay 2008 = 538,246 = 50%

Tiradii aancodkabixin = 531,668 = 50%

Waxan u soo qaatay diiwaan-gelintan 2008-dii dalka ka dhacday inaan caddeeyo sidaaan dadka is diiwaangeliya oo dhamihad iyo goor u codayn iyadoo la ogsoon yahay in doorashadoo 2010 ay ahayd doorashadii ugu xamaasadda badnayd ee dalka ka dhacday weligeedba.
waxa kale oodareenkeedaleh in doorashadansoosocotaa ay kaxamaasadyaraandoontodoorashooyinkiihoreoodhan.
Sidaa darted dadka codayn doonaa waxa uu in badan ka yaraan doonaa intii Is diiwaan gelilsey.

Natiijadii Diiwaan-gelinta Cod bbixiyayaasha 2016 873,331.

Tirada La Filan Karo Inay Codayso = 450,000 qof = 52%

Tirada La Filan Karo In Aanay Codayn = 423,331= 48%
423,331

Gobolka Marood-jeex Iska Diiwaan Gelisey = 312,634
Codayn karta qiyaas ahaan = 162,570
Aan codaynayn qiyaas ahaan = 150,065

TOGDHEER
Iska Diiwaan Gelisey = 178,506
Codayn karta qiyaas ahaan = 92,824
Aan codaynayn qiyaas ahaan = 85,683

AWDAL
Iska Diiwaan Gelisey = 147,031
Codayn karta qiyaas ahaan = 76,457
Aan codaynayn qiyaas ahaan = 70,575

SANAAG
Iska Diiwaan Gelisey = 85,222
Codayn karta qiyaas ahaan = 44,316
Aan codaynayn qiyaas ahaan = 40,907

SAAXIL
Iska Diiwaan Gelisey = 78,842
Codayn karta qiyaas ahaan = 40,998
Aan codaynayn qiyaas ahaan = 37,845

SOOL
Iska Diiwaan Gelisey = 71,096
Codayn karta qiyaas ahaan = 36,970
Aan codaynayn qiyaas ahaan = 34,126

TOTAL
Iska Diiwaan Gelisey Guud ahaan dalka = 873,331
Codayn karta qiyaas ahaan Guud ahaan dalka = 454,135
Aan codaynayn qiyaas ahaan Guud ahaan dalka = 419,201

Waxa dhicikarta in la is weydiiyo sababta aan u yareeyey ilaa xadkaa dadka codaynaya,
Waxaan sidaa u sameeyey waxa jira asbaabo dhawr ah oo aan u koobay ama uga dhigay 52% tirada codaynaysa.
1. Marka ugu horraysa waxan uga qiyaas qaatay diwaangelintii 2008 iyo codayntii 2010 faraqii u dhexeeyey tiradii is diiwaan-gelisey iyo tiradii codaysay, taas oo ahayd kala badh.
2. Waxan dareemayaa xamaasaddii waqtigaasi inaanay jiri doonin Novenber 2017.
3. Waxan qiyaasayaa dadkii is diiwaan-geliyey inaan in badan oo ka mid ahi kaadhadhka qaadanayan.
4. Waxan eegay inta kaadhadhka qaadataa laftigeeduinaanay goobaha codbixintat egayn.
5. Waxan eegay dad badan oo gobollada loo kala raray ,inay adagtahay in kaadh qaadashada sidii oo kale loogu raro, haddii xataa ay dhacdo in kaadhadh qaadashada qaarkood la rarana aan cod bixinta hore loo gurarayn.

Aan qiimeeyo sida xisbiyadu u kala heli karaan tiradaa soo hadhay iyadoo gobolaysan:

Gobolka codayn karta KULMIYE WADDANI UCID

M/JEEX = 162,570 100,000+ 50,000 12570

T/DHEER = 92,824 60,000+ 30,000+ 2,824

AWDAL = 76,457 30,457+ 40,000- 6000

SANAAG = 44,316 28,000 15,000 1,316

SAAXIL = 40,998 34,000 6000 998

SOOL = 36,970 30,000 6,000 970

TOTAL= 454,135 282,457. 147,000 24,678.

Ø Aragtidani waxa saameyn weyn oo isbeddel ku samayn kara Murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID qaato, gaar ahaan waxa uu saamayn ku yeelanaa Gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag qayb ka mid ah.
Ø Meelaha qaarkood waxan numberka ee codka ee xisbi filan karo ku daray calaamadda (+) macneheedu waxa weeye halkaasi xisbigaa way ka badan kartaa.
Meelaha aan ku daray calaamadda (-) iyana way ka yaraan kartaa.

Cabdikarriim Axmed Maxamed (Xinif),Agaasimaha maamulka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Advertisement

Ku Xayeysiiso