Waraaq Furan Abdiqani Salaf (Kaptanka)

Waraaq Furan
———————–
Ku: Cidkasta oo Qaranka Lacag ka lunsatay
Og: Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland
Og: Culimada Qaranka
Og: Xisbiyada Qaranka

Waxaan dhamaan dadka kor ku xusan ku salaamayaa salaanta naxariista iyo nabad gelyada Asc. Salaan kadib beryahanba waddankeena waxa uu labaaxaa dagaayay Abaar aad u daran oo galaafatay dad iyo duunyo badan. Abaartan baahsan oo saamaysay dhamaan waddankeena inkastoo laka daranyahay. Abaartan oo ah mid biyo iyo Baad la,aan dadka kasintay halka abaarihii hore ama biyo ama Baad midkood lawaayijiray.

Waxaa Abaarta udheer dadkeena xoolo dhaqatada ah cuduro ka dhashay bakhtigii xoolaha ee meel walba tuulaa daacuun oo imika lasoo sheegayo inay dad aad badani u dhinteen halka qaar kale oo badani lajiifaan shuban. Dadkeenu way dedaaleen gurmad badan ayay galeen lakiin dhibtii ayaa badatay oo abaartii ayaa sii daba dheeraatay.

Xukuumadu inkastoo ay dedaashay hadana doorkii looga baahnaa may daboolin si kastaba ha udhacdee. Duluc daydu waxaa weeyi dadkeena u dhimanaaya waxaynu awoodno inaynaan ka caajisin. Lacagta qaadka lagu cuno adigoo dhargay oo ubadkaagiina dhargiyey dheeraadka aad ku faaki haysanayso walaahi waa lagu waydiinayaa waayo hooyo iyo caruur kuwaaga oo kale ah aya gaajo u dhimanaaya iyo haraad adna waxaad rabtaa inaad maalinkasta ku qayisho lacag dad noolayn karta oo ilahay kuugu danbi dhaafi karo war ilaahay ka cabsada oo lacagta qaadka udira gudida abaaraha sidad loogu bad baadiyo.

Waxaan sigaara ula hadlayaa oo warqadaydani si toosa ugu socotaa qofkasta oo inta xil loo dhiibay oo qaranka u soo shaqeeyay ama imika shaqeeya oo xilsare haya ama mid dhexe haya kadibna lunsaday hanti qaran ee ku urursaday lacag sifo sharci daro ku qaatay ha ahaato laaluush ama hanoqoto kaalmo dibada inooga timi oo uu leexsaday ama ha noqoto cashuur uu baydhsaday xataa hadyadaha lagasoo qaato dibadaha adigoo xilsare oo qaran haya dalkaa iska leh.

Hantidii aad guryaha waawayn ee quruxda badan ka dhisatay eed bangiyada dhigatay eed baabuurta raaxada ku iibsatay. Waxaa iska leh shacabka maanta abaartu hayso. Waxaa iska leh hooyada 11ka caruura leh ee abaarta kahor lahayd tiro adhiya ee maanta Afarta riyaad ee wayda ahi u hadheen. waxaa iska leh xoolaha aad urursateen caruurta gaajada iyo nafoqo la’aanta u dhimanaaya. hadaba si aad culayska aad urursatay masuul aad iska fududayso waa fursad qaaliya ood haysato lagana yaabo allah SWT. inuu kugu danbi dhaafo.

Cidkastoo hanti qaran lunsatay oo jeebkooda ku shubtay dadkii ay ka dhaceen aya u dhimanayaaya hantidoodii ha usoo celiyaan oo gudida abaaraha ha ugu dhiibaan intaanay iilka la galin waa ayaamo noloshuye. waxaaan ugu danbayn ugu baaqaya shacabka reer somaliland meelkasta oo ay joogaan in lasii libin laabo dedaalka gurmadka dadkeena baahan.

Allaa Mahadleh
Abdiqani Salaf (Kaptanka)

realcabdiqani@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso