Waa Kuma Hogaamiyaha Somaliland Maanta U Bahntahay? W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi

Waa Kuma Hogaamiyaha Somaliland Maanta U Bahntahay? W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi

Somalilad tan iyo markii ay dib ula soo noqotay xoriyadedii ay kula midwaday walalahodii Somalia, 18 may 1991 somaliland waxaa soo maray afar madaxweyne kuwaas ooo ku suntan taariikhda waxqabad ee somaliland.

Madaxweynihii ugu horeryey ee somaliland oo ahaa gudomiyihii ururka SNM ee talada kala wareegay taliski siyad bare ayaa magalada burco 18 may 1991 waxaa si rasmiya loogu dortay madaxweynaha ugu horeyey ee somaliland (AHU) Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)  wakhtigas oo ahaa wakhti adag oo aanay jirin nidaam kala dambayned iyo mid haykal dawladnimo, hadana Cabdirahmaan iyo xukumadisi waxay ku dadalen inay qabtaan shirarkii iyo dib u heshiisined ee  guud ahaan bulshada somaliland wada dagta shirarkaas waxa ka mid ahaa kii 1991 lagu qabtay magala madaxda gobolka togdheer ee burco, kii dagmada sheekh ee gobolka Saaxil iyo kii ugu dambeyey ee lagu qabtay magalada Borama ee gobolka awdal.

Madaxweynihii labaad ee somaliland ahaana hogaamiyihi ugu mudada dheraa somaliland (AHU) Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo isna la dortay 1993 shirwaynihii ka dhacay magalada Borama ee gobolka Awdal kaas oo dajiyey dhamaan nidaamka iyo haykal dawladnimo ee aan manta ku shaqayno  kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisida noocyada kala duwan e cidamada qalabka sida,Lacagta uu dalkanii gaar u leyahay ee la isticmaalo ilaa manta ee Somaliland Shilling, yagleelida calan u gaara oo dalkani kaga duwanaado dhamaan calamada kale ee caalamka kaas oo dadlkan iyo dadkani gooni u leyhiin, samayntii iyo afti u qadidii Datuurka somaliland ee ilaa manta ku dhaqankisu yahay waajib distotiya dadka somaliland ku meel mariyeen  cod 97%

Madaxweyne cigaal waxaa uu ku dhawaqday sanadii 2001 in laga guuray nidaamki shirbeeledka loona guray nidaamka xisbiyada badan kuwaas  oo ilaa manta xisbiyadii qaar ka mida ay dalka hogaamyaan kana dhigay siyaasada talatada somaliland mid ku timaada nidaam sharci dorasho oo ah hal qof iyo hal cod natijadana lowada hogansamo

Madaxweyne Daahir Riyale Kahin waxaa halkii ka sii amba qaday xoojinta nidaamka dimuquraadiyada ee somaliland ee markaa curdinka ku ahayd waxaa uu qabtay 4 doorasho ee caalamku majirteen sida quruxda badan ee ay u dhacday kuwas oo kala ahaa dorashadii ugu horaysay oo ahayd  golayasha deeganka kuna taarikhysanyd 15 December 2002 taas oo caalamku ma jirteen sida wanaagsanayd ee ay u qabsontay, waxaa ku xigtay doorashadii madaxweynaha kuna taarikhysnayd April 14, 2003 taas oo somaliland ka dhigtay mid si wayn u soo jidadaty bulshada caalamka hambalyayn iyo bogaadin ka heshay guud ahaan wadamada jaarka iyo kuwa caalamka sababtoo ah dorasho lagu kala helay 80 cod oo kaliya iyo mucaarad aqbal waa wax  wadamada Africa dhif iyo nadir ku ah

Waxaa uu madaxweyne Daahir Riyaale qabatay hadana dorashadii barlamaanka ee ku taarikhsynayd 29 September 2005 waxaa si rasmiya somaliland loogu soo dortay 82 xildhibaan kuwaas oo matali dona dhamaan dadyawga jamuhuryda somaliland, ugu dambayntii madaxweyne daahir riyaale kaahin wuxuu qabty 26 June 2010 doorashadii madxweynaha  taas oo uu ku helay hambalyo iyo bogaadin markii uu si qiimo leh u aqbal natiijadii ka soo baxday dorashadaas caalamka iyo wadamada jaarkuna u hambalyeyen sida quruxda badan ee ay u dhacday dorashadaas oo wadamada Afrika guud ahan ku ah dhif iyo nadir in xukunka laysugu wareejiyo nidaam dorasho oo xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne hadan talada haya ee Axmed Maxamed Maxamud (Silanyo) waxaa uu ku sifoobay madaxweynihii horumarka isagoo wax ka qabtay waxyaalo badan oo dalkani u baahnaa inkstoo ay jiraan waxyaabo badan oo aan wali waxba laga qaban madaxweyne Silaanyo waxaa uu horumariyey kaabayasha dhaqalaha ee dalka isagoo kordhiyey dakhliga guud ee dawlada kaas oo lagu fuliyo kharasha dawlada iyo waxqabadkeda sida kordhinta mushaharada shaqalaha dawlada, dhismayaasha wadooyinka kala duwan ee dalka oo boqolal wado la sameyey kuwaas oo isugu jira kuwa magaloyinka dhexdeda iyo kuwa gobolada somaliland isku xidha, waxaa uu sameyey nidaamka darajo bixinta qaranka kaas oo soo celiyey nidamki iyo haybadii ciidanimo

Kordhinta tirada shaqaalaha dawlada iyo cidamada taas oo ka dhigaysa markii ugu badnayd in budgetka qaranka lagu daro shaqalaysiin dhalinyro kala duwan oo u shaqsa haayadaha iyo wasarradda dawlada inkastoo wali ay jirto xadi shaqo la,aan oo aad u baladhan wali dalka ka jirto.

Madaxweyne siilanyo waxaa u samyey in uu talada dalka ka qayb galiyo dhalinyarada somaliland ee aqonyahanka ah iyadoo aad arkayso in ay ka dhex muuqdaan golaha wasiiradda iyo agasimayasha hayadaha dawlada somaliland dhalinyaro tiro badan oo aqoonyahano ah , waxaa kale oo iyana guul wayn u ahayd dhalinyarada somaliland in la jabiyey xeerki xakamaynayay in dhalinyaradu isu sharixi karto golayasha deganka dalka iyadoo  barlamaka somaliland ka dhigeen 25jir wixii ka waynu inay tartami karaan taaas aan manta aragno xildhibano badan iyo mayardoda oo dhalinyaro ah.

Maxaa Looga baahan yahay Madaxweynaha mustaqbalka ee iman dona 13 Nov, 2017

Madaxweynaha mustaqbalka ee la doran dono waxyaabaha ugu badan ee horyaala waxaa ka mida hirgalinta dhamaan balan qaadyada uu u sameyey bulashadisa u codaysay iyo dhamaan wixii uu qaban awayay madaxweynihii isaga ka horeyey. Waxyaabaha somaliland manta aad ugu baahi badantahay waxaa ka mida

1 Citiraaf buuxa oo somaliland hesho

Madaxweynaha  mustaqbalka ee la dooran dono waxaa uu bulshadani uga fadhidaa in la hello citiraaf buuxa kaas oo la simaya bulshoyinka kale ku yaala gobolka iyo kuwa caalamkaba kaas oo ay ka qatanayd mudo 25 sano ah

2 wax ka qabashada baahiyaha aasasiga ah

Dadka reer somaliland wali may gaadhin heerkii ay u bahnaayeen xaga baahiyaha aasasiga ah sida in la ahello biyo nadiifa oo ay wada helaan dhamaan muwadininta somaliland miyi iyo magaloba, adeega caafimadka ee dawladu bixisa wali wuu hooseyaa in la hello adeeg caafimaad oo bilaash ah oo laga hello dhamaan cisbitalada iyo xananoyinka ay dawladu gacanta ku hayso, xaga waxbarashada waxaa aad u kala tagay waxbarahadii gaarka loo lahaa iyo tii dalwiga ahyd manta iskulada dawladu waa kuwa ugua waxbarashada hooseya marka la bar bar dhigo kuwa gaarka loo leyahay

3 xakamaynta qabyaalada

Qabyaaalada waa mid ka mida cudurada la dagaalama horumarka dalka iyo dadkuba higsanayaan, waaxay ka hortagtaa isku duubnida bulshada iyo wada jirkeeda, sidaa darted madaxweynaha mustaqbalka ee la doran dono haka fogaado inuu qabyalada ku dhaqmo waxaa uu qab wax badan oo la mahadiyo, waa in loo sinadaa talada dalka iyo khayradkisa

4 Yaraynta shaqo la,aanta dalka ka jirtay

Mid kamida dhibaatada ugu balaadhan ee haysta dhalinyarada somaliland waxaa ka mida dhibaatada shaqo la,aanta taas oo aynu ognahay in sanad kasta jamacada dalka iayo kuwa dabadaba ay ka soo baxaan kumanaan dhalinyaro jaamiciyin ah kuwaas oo ay ku adkaato inay shaqo ka helaan dalkooda taas badalkedana u hayaaman wadamada qurbaha qaar badani ku dhinteen badaha waayan iyo saxaraha isku xidha wadmada ay sii dhex marayaan, sidaa daraded madaxweynaha mustaqbalka ee la doran doono waaa inuu keena siyaasad cad oo shaqo loogu abuurayo da yartaa badaha ku madhanaya

5 Xal u helida dhibaatada sarifka lacagaha qalad

Dhibatada sarifka lacagaha qalaad waa mid ka mid dhibaatada somaliland haystay 25 sano ee ugu dambeyey inkasto madaxdii hore midba si ula dadali jiray laakin waa dhibato aan wali xal loo heli sidaa daradeed waxaa la gudboon madxweynaha iman dona inuu ku darsado jadwalkisa waxqabad  dhibatadan caamka ah ee inbadan soo jiitamaysay

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

Samiir.net@gmail.com   00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso