Tacsi: Aniga oo Ku Hadlaaya Magacayga iyo Ka Dhamaan Shaqalaha Shabakada Togaherer Waxaan Tacsi U dirayaa Eheladii Marxuun Ex Wasiir Nuur Faarax Xirsi Oo Maanta Geeriyooday Ku Geeriyooday.

Anaga oo Ah Hormoodka Golaha Tafatirka Warbaahinta Togaherer Aniga oo Ku Hadlaaya Magacayga iyo Hawlwadeenada Warbaahinta Togaherer Waxan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Dadka Afka Somaliga ku hadla Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Ex Wasiirkii Hore ee Dekadaha Somaliya  Nuur Faarax Xirsi  Oo Xalay ku Geeriyooday Cusbataalka Digfeer Ee Magaalada Muqdisho.

Dhamaan Waxaan ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuun Nuur Faarax. Waxaan Si Gaara uga tacsiyeynayaa Xaasaskii iyo Caruurtii uu ta geeriyooday marxuunku Waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha idinaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana alleh uu dhaafo.

Marxuun Nuur Faarax  Intaan ka Aqaanay Waxa uu ahaa Shaqsiyada Dad jecel, Had iyo jeerna Run Sheeg Ah oo Had cid uu is yidhaa waa la dulmiyayaa in uu afkiisa ugu hiilin jiray. Waxaan Markhaati Ka ahay Dhaliyaro Badan oo Raga meesha ay wada joogeen Ay Ka aamuseen in Uu isagu Hor kacay Sidii Ay Wax uga noqon lahaayeen Goobta uu Madaxda ka ahaa Halka Qaar badan oo ay isku darajo iyo Awoodba ahaayeen Ay ka aamuseen ama meer meeriyeen. Waxaan ku Xusuustaa Waxa uu ka mid ahaa Marxuumku Ragii Dhidibada u U taagay Sidii Nabad Loogu Wada noolaan lahaa Gobolka Togdheer iyo Magaalo Madaxdiisa Burco.

 

Isku Soo wada duub Allah wayn ayaa baaqi noqda cid duni ka hadhaysaana ma jito waana la kala horeeyaa uun Ilaahay waxana mar labaa uga baryeynaa in uu Naxriista balaadhan Ugu deeqo Sidoo kalena Cawil khayr Qaba uu cid siiyo Ehelkii Asxaabtii iyo dhamaan Dadka Somaliland iyo Somaliyaba.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

Warqabadka Togaherer
Oslo/Norway.

Advertisement

Ku Xayeysiiso