Daawo :Madaxweynaha Somaliland Oo Dhiiri-Galiyay Ciidanka Police-Ka .

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhiiri-Galiyay Ciidanka Police-Ka .

 

 

 

 

 

Hargeysa(ToggaHerer)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu kormeer ku tegay taliska booliska Somaliland, kormeerkaasi oo ujeedadiisu ahayd dhiirigelinta booliska iyo gaadiid fara badan oo ay xukuumadu ugu deeqday inay kaga hawlgalaan arrimaha nabadgelyada dalka, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu kormeeray dhisme casri ah oo loo dhisayo taliska booliska kaasi oo madaxweynuhu hore u dhagax dhigay 20.01.2016kii, wakhtigana ku dhaw gebegebo.

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland ayaa ka qaybgalay bandhig ay ciidanku ka sameeyeen barxada taliska, oo uu taliye cabdilaahi fadal madaxweynaha tusay dhaqaalihii iyo cududii uu geliyey ciidamada midhihii ka dhashay, isagoo madaxweynaha siiyey warbixin dheer oo uu kaga waramay marxaladii uu ciidanku soo maray iyo doorka madaxweyne ahaan uu ku leeyahay dhismaha cududa ciidanka booliska, isagoo taliyuhu madaxweynaha u sheegay inuu yahay madaxweynihii u horeeyey ee booliska u dhagax dhiga dhisme intaasi leeg uguna deeqa saanad iyo gaadiid ay ku hawlgalaan wakhtiga shaqada qaranka ay ku jiraan.

Madaxweynaha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta idin ku imaado kormeer oo aan soo arko hawsha aad qaranka u haysaan baaxadeeda, wanan idinku bogaadinayaa, wanan idinku garab taagnahay, waxanan leeyahay hawshaasi aad haysaan ilaahay ha idin fudaydiyo, shacbi iyo xukuumadbana waxan leeyahay aynu garab siino oo aynu is barbartaagno lana shaqayno meel aynu joognaba”

Sidoo kalena Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiintii Madaxweyne Siilaanyo kormeerkaasi ku wehelinayey oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Maanta halkan xarunta birmadka ee ciidanka booliska Somaliland kormeer kooban ayuu Madaxweynuhu ku yimid, waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Mudane Madaxweyne ciidamada booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo had iyo jeer u heegan ah adkaynta iyo xoojinta nabadgalyada qarankan. Nabadgalyada aynu ku naaloonayno ama aynu dugsanayno, ugu horayn ILAHAY ayeynu (SWT) ugu mahad naqaynaa ina siiyey nimcadiisaa balaadhan, bini-aadamku wuxuu helo waxa ugu qiimo badan nabadgalyo iyo iimaan, labadaaba waynu haysanaa, caawa waxa innaga maqani waa balaayo, balaayadana ILAHAY ha inaga hayo.”

“Nabadgalaydaasi ILAHAY ina siiyey xikmad iyo sababo ayey ku timaadaa, iskama timaado, waxay se ku timaadaa in dad u dibjiro, in dad u qolafoobo oo u gaajoodo, u dar-xumoodo, waxa galada ILAHAY ka sakow leh dadka amaanka ka shaqeeya habeen iyo maalin oo ah ciidamadeena amaanka ee nabada suga, haday tahay ciidamada booliska iyo kuwa qarankaba, waanu ku bogaadinaynaa siday waajibaadka iyo masuuliyada saaran ay u gutaan, waxaanu ku bogaadinaynaa daacadnimadooda iyo dadaalkooda, waxaanu ku dardaaraynaa inay halkaa dadaalka ka sii wadaan oo ay qarankooda habeen iyo maalinba u shaqeeyaan, waxaanu leenahay ILAHAY ayaa ajar ka helaysaan.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Dadweynaha waxaanu leenahay ciidamadu maaha cadowgiina, maaha nacab, waa kuwa nabadiina sugaya, waxay mudan yihiin ixtiraam, waxay mudan yihiin qadarin, waxay mudan yihiin in ceebta laga dhawro, waa bani-aadam, way gafi karaan macsuum maaha, odhan mayno ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wax gef ah ma galaan, annaguna odhan mayno gef ma galno, laakiin wax badan oo wanaagsan ayey qabtaan, wixii qaldama ama qaloocda waxa waajib ah in la toosiyo.”

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa geesta kalena dardaaran u jeediyey ciidamada Somaliland waxaanu yidhi “ Ciidamada qaranka waxaan ku dardaarayaa, marka laga tago xil gudashadooda, bogaadintooda iyo wanaagooda waxa waajib ku ah inay ka fogaadaan siyaasada iyo ku dhex milankeeda, arrintaa iyada ah si weyn ayaanu ciidamada ugu dardaaraynaa kuma ogin cudurkaa, waxa se aanu leenahay waa naga dardaaran iyo xasuusin, waxa kale oo aanu ku dardaaranayaa ciidamada qaranka gaar ahaan Ciidamada booliska Jamhuuriyadda Somaliland wax badan oo wanaagsan ayaa qabanaysaan, waan hubaal inaa wax badan qabateen, dadaalka halkaa ka sii kordhiya, waxa kale oo Xukuumad ahaan waajib inaggu ah inaynu dhawrno xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta, ma aaminsanin annagu Xukuumad ahaan eedaha faraha badan ee naloo jeedinayo ee ah in aanu nahay Xukuumad xoriyaadka iyo xuquuqaha muwaadiniinta ku tacadida, eedahaa waanu deedafaynaynaa, se way dhici karaan kiisas iyo dhacdooyin, ciidamada amniga waxaanu leenahay xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyaadka aynu dhawrno, cidkasta oo la xidhanayo waa in dariiq sharci ah loo maraa, intaasina waa iga dardaaran.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso