Habeenkii Kunka Habeen Ahaa Qeybtii 2-aad

Habeenkii Kunka Habeen Ahaa Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad.

Amran,waxay si degan oo taxadir badani ka muuqdo u dhuuxaysaa hadaladda Sacad ee iskugu jira waayo-sheegadda iyo soo gudbintiisa farriinta go’aanka adag ku lammaanyahay,waxaanay ka fikiraysay waxii ay kagaga fal-celin lahayd codsigan culus ee Wiilkan ay mudada dheer is-yaqaaneen caawa usoo bandhigay,taas oo ah arrin aan la dhayal-sankarin.

Amran,ayaa hadalkeedii waxay ku bilawday “ Walaalo aad baad Sacad u mahadsantahay,waa run oo muddo ayaynu is-naqaanay,inta badana maynaan ahayn dad haasaawe dhex-maro,balse waxaynu ahayn dad si caadi ah isu-xaal-waraysta oo iskaga war-haya,wakhti xaadirkana runtii jawaab kuma siin karo,balse Berri ayaan Farriin ahaan Kuugu dirayaa haddii ALLAH yidhaahdo”.

Intaas ayay kaga baxday hadalkii Amran,waxaana la-wareegay Sacad oo aad u naxsanaa mudadii ay Amran hadalka wadday,waxaana uu ka fikiray bal inay Amran ka yeesho iyo inay ka diido dalabkiisa,waxaana uu hadalkii kusoo af-meeray “ Haye walaal,khayr baan kuu rajaynayaa,go’aankaagana waan kaa sugayaa,anniga oo waliba ku han-weyn inaad tix-galin doonto xidhiidhkeennii soo jireenka ahaa”.

Intaas ka dib,Ninkii Sacad waxa ku bilaamay wer-wer aan xadlahayn,waxa guud ahaanba khalkhalay jadwalkiisii habeen-nimo,waxa maskaxdiisu si isaba-joog ah isu weydiinayaa waxa uu noqon doono go’aankaas Amran,mar niyadda ayuu wanaajista oo waxa uu yidhaahdaa Suuro-galba maaha inay ku diido,marna waxa yidhaahdaa hadday ku ogoshayba waxba berri umay dhigteena hadda ayay wax kuu sheegi lahayd. Sacad iyo hurdo habeenkaas wey kala hayaameen,kolba marka uu labadda indhood isku-qabtaba waxa hor-imanaya muuqaalka soo jeedashadda leh ee indhaha u roon ee ALLAH Amran ku manaystay,waxa maskaxdiisa dib kolba ugu soo maaxaya hab-hadalkeeda kala gurran ee ay marar badan oo ay si aan toos ahayn u kulmeen ay ku wada-hadleen,waxa uu  ka fikirayaa hadii ay dalabkiisaas ka yeesho talaabadda taas xigta ee uu qaadi lahaa,haddii ay diidana waxa u meel-yaalla ee uu ugu yaraan kaga bogsan karo dhawaacaas lama fillaanka ah.Waxa uu diyaariyay waraaq dheer oo uu ku qoray mahad-naq nuxur badani ku duuganyahay oo u diri lahaa haddii ay yeesho,waxaaba intaas dheer Heeso,geerar iyo erayo kale oo muc leh oo ugu talo-galay inuu kaga fal-celiyo wax uu u arko guul-taariikheed uu gaadhayo. Waxyaabaha kale ee uu qorsheeyay waxa ka mid ah;casuumad heer sare oo uu doonayo inuu habeen u sammeeyo Amran,si uu u tuso kalgacalka aan xadka lahayn ee uu hayo.

Wakhtigu wuu is-gurayaa,baddiba dadkiina wey seexdeen,balse Sacad isaga waa u soojeed,waayo dhinacaba dhulka ma dhigi karo,waxaaba uu raagsanayaa habeenka aan dhammaadka lahayn maadama subaxa uu sugayo farriin masiiri ah,dhawr farriimo oo Mobile-ka kusoo dhacay ayuu u qaatay inay Amran soo dirtay,balse intooda badani Ogaysiis ay Shirkaddaha Isgaadhsiintu macaamishooda ugu talo-galeen ayay noqdeen.

Habeenkii aad buu Ninkii Sacad ugu dheeraaday,hurdo la’aan iyo natiijo la’aan iyo ogaansho la’aan go’aanka dalabkiisa laga qaadan doono ayaa iskugu darsamay.Wax uu kolba gogashii dhinac isu-rogoba,Labaddii indhood ayuu isku-qabtay Sacad xilli ku siman waa berigii aroornimo,markaas oo saacaddo kooban yara-seexday,balse hurdo nagaadina maaha ruux seexanaya oo kolba Mobile-ka ayuu eegayaa bal waxay kusoo jawaabtay Amran.

Wax xaaladdu sidaas ahaataba,waagii waa baryay,waxaana uu yaqiinsadday inay soo dhawaatay xiligii ay kusoo war-celinlahayd Inantu,isaga oo aad kolba u naxaya marka uu ogaado inuu jawaab Mustaqbalkiis saamayn ku yeelan doonto uu sugayo.

Sacad ka dib markii uu quraacday,waxa uu si caadi ah iskaga galay hawl-maalmeedkiisii,waana uu shaqo-tagay. Sacad oo sii fuushan Baskii goobtiisa shaqadda,ayaa waxa usoo dhacday Farriin waxaanay u dhignayd sida tan; “  Walaalo Sacad,Wiil ayaannu wada sheekaysanayn muddo labbo sanno ah,markaas aad baan uga xumahay in aanan doonistaada yeeli Karin”.

Waxa markaliya is-bedelay muuqaalkii Sacad,waxay ku noqotay arrin lammo-fillaan ah,waxa soo af-jarmay mustaqbal dhan oo uu asteeyay,kaas oo uu doonayay inay isaga iyo Amran ku wada-noolaadaan,balse nolashu isku-dhammo ma hesho,waxaana ugu adag uguna fudud inaad qalbi bini’aadam hanato,balse Sacad wey ku adkaatay inuu Qalbigga Amran hanto,waxaanay u muuqatay inay ka door-bidday Wiilkaas kale oo sida uu dareemay dibadda ku nool,waase adduunyo! Sacad-na haatan waxa uu si xeel-dheer u darsaa waayaha jacaylka iyo duruufaha ay isla-maraan Gayaanka sheeko-wadaagta leh,waxaana uu isu-arkaa qof maanta wax badan og,casharo badana ka korodhsaday waayaha nolasha,waxaana uu rajaynaa in hadii  qofkii uu jeclaa uu waayay uu heli doono qof isaga jecel oo uu  nabsigaas maali doono.

DHAMMAAD

 

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Suxufi iyo Cilmi-Baadhe Qoraa ah,

Hargaysa,Somaliland

Email;Abuhamse01@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso