Biyo-Xidheenka Xunbo-Wayne Waa Mashruuc Horumarineed Oo Hirgalay

Waxa lagu tanaadaa

Oo lagu tisqaadaa

Tacab laysu geeyey

Isticmaalka tamartiyo

isku tiirsanaanta……

In Horumar lagu talaabsado waxa aas-aas u ah hadba intaad ka fahamsan tahay waxa laga dheefsado mashaariicda horumarineed markaad faa’idada mashruuca fahamto ayaad hirgalintiisa qayb ka noqonaysaa oo aad badhi-taarid iyo garab galba samaynaysaa, Aduunka maanta badhaadhaha ku naaloonaayana wuxuu isku dhaafay maalgalinta shisheeye iyo mashaariicda horumarineed ee dalalkaa laga fuliyey, Somaliland waxaad moodaa inay iminka uun bidhaansanayno tubtaa hirgalinta mashaariicda wallow ay wax baddani wali qabyo inaga yihiin dal ahaan dad ahaan iyo deegaan ahaanba.

Shalay ayey ahayd markaanu booqanay Mashruuca dhaamka ama biyo-xidheenka wayn ee (Xunbo-wayne Xunbo-waynr Dam Project)  aniga iyo Asxaab kale oo uu mudnaanta koobaad ahaa walaalkeen Sharmarke Axmed Muxumed waa Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somalilandne, Ganacsade Mahdi Sheekh Cabdi Axmed,  Axmed Yuusuf Xandule oo ka mid ah Guddida ka shaqaynaysay hirgalinta Dhaamkaa iyo Abdalle Daa’uud Ciise, Safarkayagu wuxuu daarnaa inaanu soo indho indhayno bal halkuu maraayo biyo-xidheenkaasi iyo inaanu ku soo indho qabawsano mashruucaa masiiriga ah ee Bulshadeena u soo kordhay si isku midana looga wada faa’idaysan doono.

Mashruucaas Khayriga ah waxa la bilaabay dabayaaqadii Janaury 2016 waxaana Maalgalisay oo inoogu deeqday Alle khayr ha siiyee Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) Hirgalintiisana waxa lahaa shirkad Suuriyaan ah Xaga amniga iyo inuu Suuroobana waxa damaanad qaaday Dawlada Somaliland oo xukuumadeena la’aanteed muu hirgaleen oo waa waajib ay gudatay iyo abaal  ay dadkeeda gashatayba, si Heersare ah ayaa loogu hagar baxay runtii waxaana sidii ugu wacnayd  oo xakameeyey Biyo-roobaadkii qulquli jiray  ee sida Fudud inoo dhaafi jiray badwayntana iskaga darsami jiray dabadeed haraadku xigi jiray, xaqiiqdii waa Dhaam wayn oo gidaarka sagbada ah ee biyaha qabanayaa dhererkiisa  hoose  qodan yahay ilaa 11Mitir balaciisuna yahay ilaa 150Mitir halka qaradiisuna tahay ilaa 20Mitir, marka la dhamaystiro Dhaamkaasi wuxuu qaban doonaa oo uu qaadi doonaa biyo dhan 500,000 oo Cubis Meters oo u dhiganta Malaayiin foosto oo biyo ah.

Shalay markaanu gaadhnay Biyo-xidheenkaa walaahi waanu qiiroonay oo waxaanu dareenay muhiimaa ay leedahay dhulkaaga oo aad hoos u eegto kana faa,idaysato khayraadka Alle SWT kugu galaday, dhamaantayo shucuur farxadeed iyo Mustaqbal fiican ayaa nooga ifay mashruucan waayo wuxuu ku dareensiinayaa hirgalinta mashaariicdu midho dhalka ay leedahay iyo sida loogu najaxaayo haddii xoogaaga iyo xoolahaagaba  aad ka shaqaysiiso, Booqashada noocan oo kale ahi waxay ku dhaxal siinaysaa inaad ku baraarugto Khayraadkaaga dayacan sidaa uga bidho dhalin lahayd, Dadkeenu abaaro ayey ka cawdaan oo biyo la’aan ayay xooleheenu u leedaan mashruucani hubaal wuxuu wax ka tari doonaa in Abaaraha lagaga hor tago oo dad iyo Duunyaba lagu badbaadiyo sidoo kale wax soo saar Beereed ayuu noqon doonaa oo Dalagyo kala duwan ayaa laga beeri doonaa wax soo saar fiican wuu yeelan doonaa oo waxaynu kaga nasan doonaa maceeshadan  aynu dalka dibadiisa ka soo dhoofsano waa hadii sida ugu fiican looga faa,idaystee..

Ka sakow  faa’idada balaadhan ee Biyo-xidheebkaa Dad iyo Duunyaba laga dheefsan doono hadda waxa ka shaqeeya 220 nin oo ka ugu mushaharka yari qaato 300 oo Dollar bishii halka  raga qaar qaataan 1000 Dollar iyo wax ka badanba, in ka badan 11 Meheradood ayaa iyana ka furan Duleedka Dhaamka oo shaqaalaha u adeega  waxaad arkaysaa inuu xataa hada yahay shaqo abuur baaxad leh, Bulshada waxaan ku boorin lahaa oo aan ku baraarujin lahaa inay isku tashano oo ayny u soo jeesano dhinaca horumarka iyo wax wada qabsida oo aynu Muruqeena, Maalkeena iyo Maskaxdeenaba isugu gayno sidaynu Deegaankeenaa uga faa’idaysan lahayn oo ay  inaga lafteenu mashaariicdan oo kale u abuuri lahayn waayo 10 Biyo-xidheen waxa ku bixi kara $100,000,000 ( Boqol Bilyan oo Dollar) abaara danbe lama arkeen Xaqiiq waynu iska uruurin karnaa oo maalin walba malaayiin ayeynu dhisme aan micno badan samaynayn ku bixinaa, Muwaadin ogow hadba intaad dedaal samayso ayaad horumarka u jirtaa ee u gunto si aad nolol wacan  ugu noolaato..

Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi ( Baar-cad)

Contact: 063-4447924

Email: Mfigo04@Gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso