Wardeg deg ah Daawo: Madaxweynah DDSI Md Cabdi Maxamuud iyo Waftigiisii Oo Caawa ku soo Hoyday Degmada Gaashaamo Iyo Ujeeda Safarkooda oo La noo Faahfaahiyey.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Md Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wafti Aad u Culus Oo uu Hogaaminaayo Ayaa Safar Dheer Ku gaalaa Bixiyey Gobolada Jarar, Qoraxay iyo Doolo.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa Ayaa Ujeedada  Safarkoodani Daarnaa Sidii Ay ugu Kuur gali lahaayeen Nolosha Dad iyo Duunyoba maadaama oo Xaalad oo Abaareedi ka jirto Guud Ahaa Geeska.

Sidoo kale Waxaa iyana Qayb ka ahayd Safarka Madaxweynaha iyo Waftigiisa Sidii uu Xadhiga uga Soo jari lahaayeen Ceelal biyood Oo Xukuumada Dawlada Uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay Ka hir galisay Deegaano badan oo Baahi Aada u qabay sidii ay  maruun u heli lahaayeen Biyo Joogto ah oo Ka soo baxa Biyaha Fog ee Dhulka Hoostiisa.

Goobaha Uu Madaxweyuhu uu Xadhiga Ka soo jaray waxaa ka mid ah

Ceel Biyood Degmada  Boholalay oo Hoos tagta Gobolka Jarar

Ceel biyood Deegaanka Lehelaw Oo Hoos Tagta Degmada LehelYucub

Ciil biyoodka Degmada Wardheer ee Gobolka Doolo

Sidoo kale waxaa Wiigan Soo socda Soo Gababgaboobayaa Xadhigana laga Jarayaa Ceelbiyood laga hir galiyey Bali-Janno Oo waagii hore la odhan jiray Balli-Dhiig.

Waxaa Xusid Mudan In  Madaxweynaha iyo Waftigiisu ay Dadka U Qaybinayeen Raashin Halka Xoolahana ay  U Qaybinayeen Calaf Ay cunaan oo madaxweynu Gawaadhi ku siday Taas oo Dariiqa Wixii dad iyo Duunyoba ay la kulmaan ay Raashin , biyo iyo baadka ay  siinayeen.

Safar Madaxweynaha DDSI Md Cabdi Maxamuud Cumar ee Ay ku Weheliyaan  Safarkii ” Roob Doon” Ayaa  Gabalta Soo Gaadhay Degmada Gaashaamo Halkaas oo Caawa ay U hoydeen. Isla Galabnimadkii Ayaa Dadweynaha Reer Gaashaamo Ay Kulan Balaadhan La yeesheen Madaxweynaha iyo Waftigiisa.

Safarkan “Roob Doon ” Ee Madaxweyneha iyo Waftigiisu Ku indho Indhaynayeen Nolasha dad iyo duunyoba ayaa maalinta bari ah lagu wadaa in ay Safarkooda ku Mari doonaan Degmada Daroor iyo Degmada Awaare halkaas oo ay sii Socon doonaan ilaa iyo ka gaadhayaan Magaalo madaxda Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia e Jigjiga.

Wixii wararka isha ku hay Warqabadka Togaherer


Kani Waa Madaxweynaha Oo Gacantiisa Wax Ku waraabinaaya

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso