“Iyada oo ay macaluul soo wajahan tahay, ayaa ay aad kor ugu kaceen nafaqo-xumada iyo cudurrada haleeley carruurta Soomaaliyeed “Warsaxafadeed Unicef

Iyada oo humaagga naxdinta leh ee macluushu uu mar kale dul heehaabayo Soomaaliya, ayaa tirooyin hordhac ah ay muujinayaan in ay korodhey tirada carruurta qaba nafaqo-xumo aad u ba’an iyo daacuun ama shuban-biyood ba’an – labadaan oo markii ay isbiirsadeen diley carruur badan macluushii dhacdey 2011kii .

In ka badan 35,400 carruur ah oo qaba Nafaqo-xumo Aad u Ba’an ayaa la daweeyey iyada oo cuntada daawada ah ee nafaha lagu badbaadiyo lagu siiyey boqollaal xarumaha nafaqada ah oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya bilihii Jannaayo iyo Febraayo, tirada ayaa ah koror 58 boqolkiiba ah marka la barbardhigo tii isla maddadaan oo kale sanadkii 2016kii.

Wixii loo soo gaarey 28kii Maarso, in ka badan 18,400 xaaladood oo daacuun / shuban-biyood ba’an ah ayaa la soo sheegey tan iyo bilowgii sanadka, tiradaas oo aad uga badan tii 15,600-ka xaaladood ahayd ee lagu soo warramey guud ahaan sanadkii 2016kii. Xaaladaha badidoodu waxaa ay ku dhaceen carruurta yaryar. “Tirooyinkan ayaa ka dhigan qaylo-dhaan,” ayaa ay tiri Leila Pakkala, oo ah Agaasimegoboleedka UNICEF ee gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika, ka dib markii ay qoysas barokacayaal ah iyo bukaanno kula hadashey xarun lagu daaweeyo daacuunka oo ku taalla Baydhabo, Soomaaliya.“Carruurta ayaa u dhimanaya nafaqo-xumo, gaajo, harraad iyo cudur.

 

Muddadii ay jirtey macaluushii 2011kii, ayaa ku dhowaad 130,000 carruur da’yar ah ay dhinteen, iyada oo qiyaastii kalabar ay dhinteen ka hor inta aan lagu dhawaaqin in ay macluul jirto. La-hawlgalayaasheenna ayaa aan labatan iyo afarta saacba kala shaqeyneynaa si aan u hubinno in aaney arrintaasi mar kale dhicin.” Ma jiraan tirooyin sugan oo hadda laga hayo tirada carruurta u dhintey gaajo ama nafaqoxumo, iyada oo qayb ahaan ay taasi sababtey in qaar badan ay u dhintaan cudurro iyo caabuqyo.

 

Laakiin carruurta ay hayso Nafaqo-xumo Aad u Ba’an ayaa sagaal jeer uga dhow in ay u dhintaan cudur marka la barbardhigo carruurta si wanaagsan u nafaqeysan. Intii ay socotey macaluushii 2011kii, ayaa waxa inta badan loo dhimanayey shuban iyo jadeeco. Ka dib markii ay lix sano ka soo wareegtey markii lagu dhawaaqey in ay macluul ka jirto meelo ka mid ah koonfurta-bartamaha Soomaaliya, ayaa dalku waxaa mar kale uu qarka u saaran yahay masiibo kale.

 

Waqtiganse abaarta ayaa ah mid baahsan, oo ka wada jirta Somaliland, Puntland iyo degaannada xoolo-dhaqada ah ee Soomaaliya, iyo weliba qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta dalka, kuwaas oo ah meelaha ay dhibaatada ugu weyn ay soo gaartey sanadkii 2011kii .

Tirada dadka halistu ay si toos ah ugu waajahan tahay ayaa ka badan intii hore, waxaana ay carruurtu yihiin kuwa dhibaatadan sida ugu weyn ay u taabatey. Bishii Febraayo, ayaa UNICEF ay saadaalisey in 944,000 carruur ah ay nafaqo-xumo ba’an haleeli doonto sanadka 2017ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin 185,000 carruur ah oo qaba Nafaqoxumo Aad u Ba’an (SAM) oo u baahan doona taageero degdeg ah oo naf-badbaadin.

 

Tiradaas ayaa si weyn kor ugu kici karta, xataa haddii roobabka la filayo in ay bilowdaan bisha Abriil ay bilowdaan waqtigii la rabey, ayna si weyn u da’aan. UNICEF iyo la-hawlagalayaasheeda ayaa heley sahay nafo-badbaadin oo dad ku filan ilaa bisha Juunyo waxaana ay hirgelinayaan qorshe si weyn loo ballaariyey.

 

UNICEF ayaa ka shaqeyneysa in ay taageerto adeegyada lagu bixiyo xarumaha nafaqada iyo kuwa hadba meel la geeyo, adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo caafimaadka, waxaana ay kooxo u joogaan degaannada ay WAR-SAXAAFADEED RELEASE dhibaatada ugu weyn ay soo gaadhey, iyada oo la shaqeyneysa maamullada, lahawlagalayaasha iyo bulshooyinka degaanka si loo daaweeyo loogana hortago nafaqo-xumada iyo shuban-biyoodka ba’an / daacuunka.

UNICEF Somalia ayaa kordhisey maaliyadda ay u baahan tahay oo ahayd $66 milyan waxaana ay gaarsiisey $147 milyan oo doolar, iyada oo maaliyadda ay tahay 54 boqolkiiba ka dhimaneyd bartamihii Maarso. “Sanadkii 2011kii, maaliyad badan ayaa la heley ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqey macaluusha bishii Luuliyo,” ayaa ay tiri Pakkala oo ka socotey UNICEF. “Sanadkan, deeqbixiyeyaal badan ayaa goor hore tallaabo qaadey. Laakiin waxaa laga yaabaa in dhibta ugu weyn ay innaga horreyso. Waxaan haysannaa fursad yar oo aan kaga hortegi karno dhimasho badan oo dhacda.” –

Advertisement

Ku Xayeysiiso