Habeenkii Kunka Habeen Ahaa W/Q: Mohamed Hassan Daacad.

Maalin walba oo Nolasha kusoo martaaba waxay leedahay xusuus iyo sooyaal u baahan in aan la hilmaamin,waayo inaad sooyaalkaas weelayso waxay keenaysaa  in aanay dhacdadaasi maalin kale kuugu soo noqon oo aanay meesha ka saarin maalin kale oo aad taariikh kale sunti lahayd.

Inta uu qofku ku jiro xiliyadda dhalinyaro-nimadda waxa soo waajahaya dhacdooyin badan oo saamayn togan iyo mid taban ku leh nolashiisa,waxaana ugu badan cimiladda kasoo waajahda dhinaca gayaanka wiilal iyo Hablo-ba. Sacad waxa uu muddo dheer sheedda ka ilaashan jiray Inan Magaceeda la yidhaado Amran,taas oo ay u wada xidhiidhi jireen sidii labbo of oo macaariif isku ah,balse ay isaga ka-tahay mustaqbal-doon. Waxa uu si dhaw ula socon jiray guud ahaanba dhaq-dhaqaaqa Amran;Sida goobaheed waxbarasho,muuqaalka guud ee nolasha Qoyskooda,waayo waxa uu rajo wanaagsan ka qabaa inay riyaddiisu meel-mar noqon doonto,waxaaba uu marar badan sawirtay isaga oo Amran ay Nolal fiican ku wada nool-yihiin oo uu uga sheekeeyo Xaaladdihii adkaa ee  kasoo gaadhay Jacaylkeeda iyo xiliyaddii wajiyada badnaa ee uu lasoo maray,isaga oo ILAAHAY uga mahad-naqaya inuu ku guuleeyay riyaddiisii mudada dheer ahayd.Balse xaaladda dhabta ahi taas wey ku duwantahay.Sacad waxa werwer badan ku haya suurta-galnimadda in Amran laga guursaddo,isaga oo aan xataa si rasmi ah ugu sheegin inuu jecelyahay,isla-markaas uu ku fikirayo inay qoys wada dhistaan,taasina ay iyadda ku xidhan-tahay.Dhawr habeen oo is-xig-xigta ayaa waxa uu ku riyooday Amran oo loo soo geed-fadhiistay oo uu Wiil ay Asxaab ahaayeen Telafanka uga soo sheegay isaga oo Suuqa maraya oo uu naxdintii uu warkaas ka qaadayna uu Miyir-beelay oo uu xaaladdaas geeridda iyo Nolasha u dhexaysa ku jiray muddo dhawr cisho ah,maalmo ka dibna uu noqday qof bilaa higsi iyo hammi ah oo talax-gabay.Markiii ay dhawr jeer xaaladda noocaas ahi kusoo noq-noqotay waxa uu si rasmi ah u go’aansadday inuu si furan Amran ugu soo bandhigo Jacaylkiisa,una sheego inuu doonayo inay mustabal ifaya iyo rajo-nololeed oo horu-socod leh wada yeeshaan.

Sacad waxa uu xili hore kasoo rawaxay shaqaddii,waxaana uu baajiyay guud ahaanba balamihii uu dadka kale ee asxaabtiisa ah iyo ehelkaba la lahaa,isaga oo  muddo saacaddo ah ka fikirayay waxii uu Caawa Amran ku odhan lahaa,maadama uu yahay go’aan adag oo in lagu dhacaa ay adag-tahay,isla-markaasna aannu garan Karin waxa kaga imanaya iyo jawaabta ay siin doonto.Waxa uu dareensanyahay inay Dumarku waxay doonayaan ay diidi yidhaahdaan,waxa walbahaar badan ku haya luuqaddii uu inanta kula hadli lahaa;Ma Caawa ayaad Telafanka uga wada sheegtaa arrinta? Ma ballan aynu yeelano ayaad tidhaahdaa? Ma cid kale oo asxaabta oo ay iyadana is-yaqaanaan baad farriinta ugu dhiibtaa? Halkeed wax ka bilawdaa? Ayaa Ninkii Sacad uu saacaddo badan uu meel uu u qaado iyo go’aan uu ku adkaysto la’yahay,isaga oo wakhtiguna is-guraya,isla-markaasna ay kusii dhaw da’ahay,xiligii uu telafanka ka wici lahaa!

Nin qoyani biyo iskama dhawree,Sacad waxa uu tallo-ku-goostay inuu warka oo dhamestiran oo Amran Caawa u sheego oo aanay arrintu waagaba kula baryin wax-hel iyo wax-waaba.

Waxa uu fadhiistay meel degan oo buuqa iyo jabaqduba ka dheertahay oo si fiican uga maqli karo. Waxa uu Toos u wacay telafankiidii… Waa uu dhacayaa telafankii Amran,garaaca wadnaha Sacad aad buu u sareeyaa,iyada oo xili-dhaxameed lagu jiro hadana isagu aad buu u gubanayaa oo waxa uu la mid yahay sidii qof xeeb-ku-nool.

Inyar ka diba,waxay Amranka qabatayTelafankii,waxaana dhex-martay sheekadan!

Sacad; “Asaalama calaykum Walaalo Amran,malaa wabaad seexatay”?

Amran; “May walaalo Sacad,xageen u seexdaa waaba fiide”’!

Sacad; Qosol yar ka dib,Walaalo xaaladda ka waran iyo Xaafaddiiba”?

Amran,”walaal aad baannu u wada-fiicanahaye,idinkuna side tihiin”?

Sacad; “Maansha allah,aad iyo aad baannu u wada-nabad-qabnaa walaalo Amran”

Intaas ka dib waxa uu Sacad toos u guddo-galay ujeedkii ugu weynaa ee uu  Caawa usoo wacay Amran,waxaana uu si cad ugu sheegay inuu caawa arrin cusub u socdo,isla-markaasna uu u baahan-yahay in hadii ay hawl kale gacanta ku hayso uu goor dhaw kusoo celin karo iyo in aanay wax hawl ah gacanta ku haynin wakhti-xaadirkan.Amran waxay u sheegtay Sacad in aanay jirin wax shaqo ah oo ay hadda haysaa,isla-markaasna ay wada-hadli karaan!

Sacad waxa uu hadalkiisii ku bilaamay “ Walaalo Amran,kollay muddo-dheer ayaynu macaariif iyo sheeko-wadaag ahayn,wax walbana haddii aanu jirin hadaf uu u socdo iyo ujeed laga leeyahay macno ma yeesho. Waxay ila noqotay in aan kusoo gudbiyo caawa arrin aan in badan igu adkaatay in aan kuula soo badheedho,balse caawa uu ILAAHAY igu simmay aan helo Fursad aan kuugu soo bandhigo,annigga oo ku han-weyn inaad ii tix-galin doonto codsigayga,maadaama uu yahay arrin aan ugub ah ahayn ee ilaa Xaawa iyo Aadan soo-taxnaa.Walaalo waxaan doonayaa in aan Caawa kuu sheego in aan runtii muddii dheerayd ee aynu is-naqaanay iyo intii  aynu wada xidhiidhi jirnayba aan ku jeclaa,isla-markaasna aan ku hamiyo inaynu mar uun Nolasha ku midawno oo aynu noqon qoys tilmaan iyo beegsasho Bulshadda ku dhex leh,waanad ku mahad-santahay sida degan ee aad uu dhegaysanaysay mudaddii aan hadalka waday”.Intaas markii Sacad yidhi,ayaa waxa hadalkii la-wareegtay Amran.

Jawaabta Amran iyo Waxa uu yahay Habeenkaas Kunka Habeen ahiba,waa inoo Berri,haddii Eebbe Idmo!



W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Suxufi iyo Cilmi-Baadhe Qoraa ah,

Hargaysa,Somaliland

Email;Abuhamse01@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso