Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar oo Xadhiga ka jaray Ceel Biyood laga Qoday Wardheer

Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomalida Itooboya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Maalmahanba safar Xog-ogaal u noqosho ah ku marayay Dhulka Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa Xadhiga ka Jaray maanta Ceel Biyood Biyo badan oo Dawlad Deegaanku ka Qoday Magaalada Wardheer.

Maalmihii U Dambeeyey Ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar iyo Waftiga Hogaaminayo Ee Safarka Shaqo Ku Maraya Dawlad Deegaanku Fureen Mashaariic Fara Badan oo Dawladu ka Fulisay Degmooyinka iyo Tuulayaasha Dawlad Deeganka, iyada Beryihii U dambyeey Xukuumada Dawlad Deegaanku Xooga Saartay in shacabka Deegaanku helaan Biyo Nadiif ah kuna Filan taas oo Xukuumada uu Hogaamiyo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ku Guuleystay in ay qodo Ceelal Fara Badan oo ah kuwa Dhaadheer lana hirgaliyo Biyo Xidheeno Qabta Biyo Roobaadka, Si Looga Gaashaanto Biyo La`aanta soo Noqnoqata Xili Abaareedka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso