Daawo: Xukuumadii Raisal Wasaare Khayre Oo Cod Aqlabiyad ah Lagu Ansixiyey Halkaas oo Isla Goobtii lagu dhaariyey.

Xukuumada Raisal Wasaare Xasan Khayre Ayaan maanta hor tagtay Golaha Shacabka Somaliya halkaas oo loogu Ansixinaayey In ay Ahaadaan Xukuumada Hogaamin doonta Sanadaha soo socota iyo in ay Raiasal wasaare Khayr dib ula noqdo oo uu Wax ka badal uu ku sameeyo.

Golaha Shacabka ayaa cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey kadib markii Raisal wasaaare khayr uu ka dalbaday in ay Xukuumada u ansixiyaan maadama oo uu ku isticmaalay waqtibadan iyo wada tashi badan.

Waxaanay Codayntii udhacay
Waxaa ogolaatay in Golaha wasiiradu Hawshooda Qabsadaan: 224 xildibaan
WAxaa diidiida oo yidhi maya ma wadi karaan hawshooda: 15 Xildhibaan
Halka Ay ka aamustay oo aanay haa iyo maya midna odhan : 2 Xildhibaan

Sidaas ayeyna Dawladii Raisal Wasaare Khayr ay ku meel martay ayna ku noqotay Xukuumad Sharci ah oo hawlaha Dawladnimo Qabsan doonta.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso