Daawo Sawirada :Wafti Culus Oo Si Wada Jir Ah Xadhiga Uga Jaray Riig-Biyood-Ka Qoolcaday, Isla Markaana Soo Kormeeray Dhismaha Dugsiga Farsamda Gacanta Ee Ururka Haldoor Ka Hirgalinayo Degmada Maxamed Mooge Ee Hargaysa .

 

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Maaliyadda, Xanaanalada Xoolaha, Safiirka Somaliland ee imaaraadka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta soo kormeeray Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Ururka Haldoor ka hirgalinayo Degmada Maxamed Mooge .

Sidoo kale Waftigan waxay soo fureen Mashaariic kala gadisan ee laga hirgaliyay Deegaanno ka hoos taga degamda Salaxley, sida Riig-biyoodka Qoolcaday oo si rasmi loo furay  .

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ka dhacday Magaalada Salaxley, Waxaana ka soo qeyb galay Waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi .

Waxaana halkaasi laga jeediyay khudbado kala duwan kuwaas oo ku qotomay mashaaricaha kala gadisan ee laga hirgaliyay Deegaannada  Hoos taga Salaxley .

Dhamaan Wasiiradii, Madax Dhaqameedkii ayaa si wayn u amaanay Wasiir Cukuse, iyagoo ku amaanay sidii uu ugu dhabar adaygay Hirgalinta Mashruuca Riiga Banka Qoolcaday .

Ugu danbeentii Ururka Haldoor ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay Wasiirada kala ah, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Cukuse, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Samsam Cabdi Aadan .

Advertisement

Ku Xayeysiiso