Haddii aad doontid inaad gaadhi kaga gudubtid Doox biyo marayaan qaado waayo aragnimadan.

Maadaama lagu jiro xilli roobaad, ayna jiraan dooxyo/togag badan oo biyo ka rogmanayaan, waxaa soo noqnoqta baabuur uu daad qaadey, oo sanad walba dad inagu qaali ahi ku nafwaayaan, hanti badani na ku lunto.

Anigoo ka hadlaya waayo aragnimo da aan yeeshay muddo dheer, iyo aqoon kale oo aan siyaabo kala duwan u kasbadey waxaan soo gudbinayaa talooyinka laga yaabo inay ku anfacaan waxna kataraan dhibaatadan..

1- Marka horeba ha ku dhiiran inaad ka gudubto doox biyo marayaan, haba yaradeen oo in yari ha qul qulayso e, sida badan dooxyadu saacadaha ay socdaan ma badna, oo inay dhaqso u joogsadaan ayay u badan tahay, markaa naftaada iyo hantidaada ku badbaaso 2 saacadood oo aad iska sugto inta biyuhu dhamaanayaan.

2- Marka aad hubiso in la gaadhay waqtigii aad ka gudbi lahayd, isku day in aanad mar keliya eegin oo indhaha aanad la raacin qulqulka biyaha, eegistaasi aad biyaha eegtay waxay sabab u noqotaa in qofku wareero, ka dibna uu gaadhiga u duwo dhinaca biyuhu u socdaan, sidaana uu wadada kaga baxo oo jarka ka dhaco. waana tan ugu badan ee keenta shilalka dooxyada.

3- Waxaad si toos u eegtaa meesha ay ku dhamaato wadada aad ka baxayso oo ah cidhifka u dambeeya ee dooxa, taasi waxay kugu caawinaysaa in aanad wadada ka bixin oo gaadhigu jarka kaala dhicin.

4- Iska fur suunka gaadhiga, Muraayadahana iska xidh (Dalac) waxaa dhacda in biyo kaaga soo galaan ka dibna ay naxdini kugu dhacdo sidaana uu kaaga lumo maamulka ( Control ) gaadhigu.

5- Haddii aad wadato gaadhi 4×4 ah xidhiidhi ka hor inta aanad biyaha ku soo dhicin.

6- Haddii dhulka aad ku safraysaa uu yahay dhulka dooxyadu isugu yimaadaan ee u dhaw xeebaha, isla markaana aanu lahayn laamiyo, xilli roobaad ha gelin dooxa wixii dambeeya 5 galabnimo, waxaa dhici karta in habeenku madoobaado roobab hor le oo meelo fogfog ka da’ay ay ku soo gaadhaan, mana heli doontid waqti kugu filan oo aad ku gudubto ama cillad kugu timi aad iskaga furdaamiso.

7- in aad dabaasha taqaanaa waxay u fiican tahay in aad ka badbaadiso naftaada biyo kula tagay, markaa isku day inaad sidaaba aqoon u leedahay sida loo dabaasho.

8- Haddii aad saaraan tahay gaadhi rakaab oo aanad lahayn masuuliyadda wadida, ha ka gabban in aad darwalka ku diido o kaga soo horjeesato inuu biyaha ka gudbo, haddiin ay kuula muuqdaan kuwa khatar idinku ah, wacyi geli Rakaabka/ dad kale oo saaran gaadhiga, iskuna day in aan ka hor timaado in darwalku idinku dhex tuuro biyaha, waxaa jira wadayaal badan oo aan masuul ahayn, iskaga hadh gaadhiga ka dibna sharciga la tiigso, waxaa hubaal ah in aad ka guulaysan doontid. ha iska noqon qof la maamulo geeri iyo nololba.

9- Ugu dambayn Ilaahay talo saaro, si degan oo aan shaki lahayn ula dhaqan xaaladda aad ku jiro, Talo saarashadu wax imanaysaa marka aad inta adiga lagaa rabo aad samayso.

10- in aad aqoon fiican u leedahay wadida gaadhiga iyo in aad haysto ogolaansho aan laga been abuurin waxay tahay furaha kowaad ee ah in aad gaadhi ku safarto.

Ilaahow na nabad yeel.

W/ Qoray: Mustafe Cali Ducaale

Hargaysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso