Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Bilowga Sahaminta Shidaalka Dalka Ku Duugan, Ee Laga Wado Gobolada Saraar Iyo Togdheer, Kana Qaybgalay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfuray Mashruucaasi Oo Lagu Qabtay Hotel Kaafi Burco Iyadoo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Burco Madaxweynaha

Nuxurka Khudbad dhaxal gal ah Oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Maanta Ka Jeediyey Burco ayaan idinka Soo Ururiyey Qodobada Udub dhexaadka u ah Ujeedka Madaxweynaha Somaliland.

 

“Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag”

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:”Soor baa lagu fadhiyaa, ee sallo laguma fadhiyo”. Siyaasadda qarankan aan ku hagayo, waxaa bud-dhig u ah, in la hirgeliyo horumar ballaadhan, iyo in la yagleelo nolol dadku dugsan karaan

************************************************************************************

“Haddaba, si aynu ugu gungaadhno arrintan, waxaa la inooga baahan yahay in aynu la nimaadno tallo adag, tawfiiq wanaagsan iyo tabaabushe weyn”.

###########################################################################

“Waxaannu nahay xukuumad bisil, oo ay ku duugan tahay dulqaad, dad-wad, waayo-aragnimo iyo waayeelnimo. Sidaa darteed, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee runta ku dhisan, iyo toosinta wax lagu dhisayo ee maamulkayga loo jeedinayo”

_____________________________________________________-

“Dhinaca kale, waxaan ixtiraamayaa aragtiyaha ka soo horjeeda, hayaanka horumarka iyo higsiga himilada qarankan, aan hoggaankiisa hayo”.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“waxaa reebban in sharciga gacanta lagu qaato, ama la is hortaago hawlgallada sahaminta shidaalka, iyo mashaariicda kale ee horumarka, ama maalgashiga ee dalka u soo horyeeshay”

*******************************************************************************************

“Waxaan sida cadceeda u cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo”

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“Arrintani waxay ka mid tahay xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa”.

________________________________________________________________________

“Sida aynu la wada soconno, dib-u-dhac ayaa ku yimi Doorasahadii Madaxtooyada ee inoo qorshaysnayd 28/03/2017, oo ay maanta inaga xigto 2 cisho. Xaqiiqdii, aad ban uga xumahay, dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkii Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. Madaxweyne ahaan, ma jiro cid iga jeclayd in doorashadu qabsoonto xilligii loogu talo galay”

**************************************************************************************************

“Xiiso iima hayo, xikmadna uma arko, in aan kursiga sii fadhiyo, wakhti ka baxsan muddo xileedkii la ii doortay, isla markaana muddo kordhin marba la ii sameeyo”.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“Mansabkan aan qaranka u hayo, waxaan ku imi si maamus leh, waxaanan jecelahay in aan kaga tago si sharaf iyo xarrago leh”

###################################################################

“Waxaan shacbigayga u caddaynayaa, in arrintani aanay ku iman xeelad siyaasadeed, oo ay xukuumadaydu ka dambaysay. Dib u dhacan, waxaa keenay, abaarta ba’an ee inagu habsatay”

_________________________________________________________________________________

“Muddo kordhintani, waxay ka mid ahayd go’aammadii iigu adkaa, shakhsi ahaan, ee isoo maray muddadii aan talada dalka gadhwadeenka ka ahaa, Sidoo kale, waxay ka mid tahay, arrimaha culus ee aan marar badan, ka fekiray tan iyo intii aan hano-qaaday ”

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“waxa igaga hor yimi aragtidaa, labadii xisbi mucaarid (Waddani iyo UCID), oo ku adkaystay in doorashada dib loo dhigo muddo lix bilood ah”

********************************************************************************************************

“Tallo wadaag, tawfiiq, iyo isu tanaasul, waa wixii aynu ku soo caano maallay ummad ahaan, Sidaa darteed, nin neceb iyo nin jecelba, waxa madaxdii qaranku markii aan ku martiqaaday madal loo dhan yahay, la gaadhay is fahan iyo heshiis qaran, taas oo dib-u-dhig ku samaynaya Doorashada Madaxtooyada muddo lix bilood iyo toban maalmood ah”

______________________________________________________________________

“Marka aan si saraaxad leh u hadlo, ima farxad gelin, go’aankii ka soo baxay Golaha Guurtida, oo ku saabsanaa muddo kordhintii loo sameeyey Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka”

#######################################################################3

“waxaan ka garaabaya niyad jabka ay ku keentay dib-u- dhicii doorashadeennu, dalalkii aynu saaxiibka ahayn, ee inaga caawin jiray geedi socodka, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka”

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“Waxaan jecelahay in aan madashan uga mahad-celiyo, dalalka ku bohoobay Midowga Yurub iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, taladii iyo taageeradii, ay hore uga geysteen nidaamka doorashooyinka Somaliland”

*****************************************************************************************************

“Waxaynu nahay ummad gob ah, oo kala taqaan cadowgeeda iyo nasteexeeda. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah, inaynu u abaal hayno, cid kasta oo wax ina gashata, ama wax ina tarta”

_____________________________________________________________________________________

“Geedi socodka dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka xorta ah, ma jirto cid inagu qasabtay, isla markaana inagu san-dullaysay, balse, innaga ayaa ummad ahaan dan iyo maslaxad bidnay ama u aragnay”

#############################################################

“Waxaan shacbiga Somaliland iyo haldoorka Xisbiyada Qaranka, u caddaynayaa, in ay iga go’antahay hoggaamiye ahaan, aniga iyo maamulkaygaba, in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah 13/11/2017”.

***************************************************************************************************************

“Si aan u meel mariyo, ama u xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah, oo dalkan ka dhacda, waxay xukuumadaydu isa saartay masuuliyad iyo culays dhaqaale oo aanay hore Dawladda Somaliland fuuli jirin”

_________________________________________________________________________________

“Marka la is barbar-dhigo, nidaamkii saami qaybsiga kharashka doorashooyinka Ssomalialnd, %75 waxaa bixin jiray dalalka deeq bixiyeyaasha, halka Dawladda Somaliland ay ka bixin jirtay %25”.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“Xukuumadaydu waxay dabooshay ama dabooli doontaa in ku dhow %90 kharashyada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashada Madaxtooyada ee qabsoomi doonta November 2017”

#####################################################################

“Si loo guda galo arrinta kaadhadhka cod-bixiyeyaasha, iyo diyaarinta wax kasta oo loo baahan yahay wakhtiga ku munaasibka ah, waxaan lagama maarmaan u arkaa in ay wada shaqayn buuxda oo joogta ah ay yeeshaan dhinacyada kala duduwan ee ay khusayso arrimaha doorashooyinka”

********************************************************************************************************

“Aniga oo ka duulaya wakhtiga yar, iyo hawsha badan ee ina hor taal, waxaan magacaabayaa, ama isu keenaya toddobaadkan guddi mustambeed ah, oo ay ku dhan yihiin saddexda xisbi qaran, xubo kooban oo ka tirsan xukuumadayda, gaar ahaan wasaaradaha qaabilsan shaqo ahaan, Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyo goob joogayaal ama wakiillo ka soo jeeda deeq bixiyeyaahsa ama dalalka inaga taageera nidaamka doorashooyinka”

________________________________________________________________________

“Waxaan farayaa guddida cusub ee mustambeedka ah ee toddobaadkan isu iman doona in ay gufeeyaan galdalooyinka jira, isla markaana, ay ka kaalmeeyaan, guddida doorashooyinka qaranka diyaarinta qorshayaasha loo baahan yahay, (Road Map and Framework)”.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“Waxaan farayaa guddida Doorashooyinka Qaranka, in ay xilka iyo waajibaadka culus ee saaran u gutaan si leh dedaal, daacadnimo, xilkasnimo, iyo karti leh, Anigoo u ballan qaadayaa in aan la barbar taaganahay talo iyo taageero wixii ay iga baahdaan”

***************************************************************************************************

“Arrimaha ku saabsan doorka xukuumadaydu ka qaaday taakulaynta abaaraha iyo qorshayaasha aan u diyaarinay mustaqbalka ka hor tagga dhibaatooyinka is beddelka cimilada Geeska Africa”

 

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Bilowga Sahaminta Shidaalka Dalka Ku Duugan, Ee Laga Wado Gobolada Saraar Iyo Togdheer, Kana Qaybgalay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfuray Mashruucaasi Oo Lagu Qabtay Hotel Kaafi Burco Iyadoo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Burco Madaxweynaha

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu subaxnimadii hore ee saaka ka jarmaaday Magaalada Berbera, isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku sugnaa gobolka Saaxil, waxaanay gaadheen deegaamada laga wado sahaminta Shidaalka Ku Duugan qaybo ka mida Dhulka Somaliland.

 

Madaxweynaha oo goob joog u ahaa saaka sida ay hawshu uga socoto halkaasi ayaa u mahadnaqay wasaaradda macdanta iyo tamarta oo iyagu markii u horaysay hirgelisay in la helo qalab lagu baadho khayraadka uu ka mid yahay shidaalku, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay dadweynaha deegaamada laga wado sahaminta shidaalka oo si wanaagsan ula shaqeeya wasaaradda iyo farsamo yaqaanada ku hawlan sahaminta shidaalka.

 

Madaxweynuhu markii uu soo dhamaystay kormeerkiisa waxa uu ku soo laabtay magaalada burco oo uu subaxnimadii hore ku dhaafay socdaal wakhti dadku ay hurdeen markii danbe ee uu ku soo noqdayna Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay soo dhawayn balaadhan kala kulmeen shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Togdheer oo iyagu marwalba caan ku ah soo dhawaynta Madaxweynaha Qaranka Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu ka qaybgalay munaasibad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotel Kaafi ee magaalada Burco, munaasibadaasi oo ay ka hadleen haldoorka Somaliland ayuu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo leh oo ay aad ula dheceen dadkii ku sugnaa halkaasi.

 

Waxaanay u dhignayd Khudbada Madaxweynuhu sidan:-

 

Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii tahay, in aan idinkala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag.

 

Anigoo munaasibadan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo, dhammaan bulshada ku dhaqan gobollada hawlgalladu ka socdaan, sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen, si gaar ah, waxaan u bogaadinayaa waayeelka iyo waxgaradka, sida hagar la’aanta ah isu barbar taagay barnaamijkan sahaminta shidaalka, ee ka socda deegaannada qaar. Mar labaad, waxaan ku hambalyaynayaa dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, ee uu hormoodka u yahay Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, doorkii iyo dedaakii ay ka geysteen hirgelinta mashruucan qiimaha badan oo ka mid ahaa himilooyinkii Xisbiga Kulmiye.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Khayraadka iyo nimcooyinka kala duduwan ee EEBE aadanaha u qaybiyey, waxay ka mid yihiin, ayaanka iyo nasiibka la is dheer yahay. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu ogaanno wixii qaddarka ALLE aynu qayb u helnay, iyo wixii qaniimad dhulkeenu hodan ku yahay. Haddaba, si aynu ugu gungaadhno arrintan, waxaa la inooga baahan yahay in aynu la nimaadno tallo adag, tawfiiq wanaagsan iyo tabaabushe weyn.

 

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:

“Soor baa lagu fadhiyaa, ee sallo laguma fadhiyo”.

Siyaasadda qarankan aan ku hagayo, waxaa bud-dhig u ah, in la hirgeliyo horumar ballaadhan, iyo in la yagleelo nolol dadku dugsan karaan. Waxaan shacbigayga ku leeyahay, hal ku dhigyadii uu geel-jiruhu ku heesi jiray, “Ragna dhuuni buu kuu dhex joogaa, ragna dhaqashuu kuugu dhaadhacay”.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaannu nahay xukuumad bisil, oo ay ku duugan tahay dulqaad, dad-wad, waayo-aragnimo iyo waayeelnimo. Sidaa darteed, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee runta ku dhisan, iyo toosinta wax lagu dhisayo ee maamulkayga loo jeedinayo. Aniga oo mabaadiida aan aaminsanahay ka duulaya, waxaan diyaar u ahay  in aan saxo wixii qaladama, waxaana la yidhi “Qalad waa markii la qabto”. Dhinaca kale, waxaan ixtiraamayaa aragtiyaha ka soo horjeeda, hayaanka horumarka iyo higsiga himilada qarankan, aan hoggaankiisa hayo. Waxaannu xurmaynaynaa, xuquuda iyo xoriyaadka muwaadiniinta. Waxaan caddaynayaa in aanay jirin, isla markaana jiri doonin cid lagu cabudhiyo, ama lagu ciqaabayo fikirkiisa qof ahaaneed.

 

Hase-yeeshee, waxaa reebban in sharciga gacanta lagu qaato, ama la is hortaago hawlgallada sahaminta shidaalka, iyo mashaariicda kale ee horumarka, ama maalgashiga ee dalka u soo horyeeshay. Waxaan u digayaa, cid kasta oo isku dayda in ay abaabusho khal-khal iyo rabshado lagu wax yeelaynayo amniga, nabadgelyada iyo midnimada ummadda JSL. Waxaan sida cadceeda u cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo. Arrintani waxay ka mid tahay xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aynu la wada soconno, dib-u-dhac ayaa ku yimi Doorasahadii Madaxtooyada ee inoo qorshaysnayd 28/03/2017, oo ay maanta inaga xigto 2 cisho. Xaqiiqdii, aad ban uga xumahay, dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkii Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. Madaxweyne ahaan, ma jiro cid iga jeclayd in doorashadu qabsoonto xilligii loogu talo galay. Xiiso iima hayo, xikmadna uma arko, in aan kursiga sii fadhiyo, wakhti ka baxsan muddo xileedkii la ii doortay, isla markaana muddo kordhin marba la ii sameeyo.  Mansabkan aan qaranka u hayo, waxaan ku imi si maamus leh, waxaanan jecelahay in aan kaga tago si sharaf iyo xarrago leh. Waxaan shacbigayga u caddaynayaa, in arrintani aanay ku iman xeelad siyaasadeed, oo ay xukuumadaydu ka dambaysay. Dib u dhacan, waxaa keenay, abaarta ba’an ee inagu habsatay.

 

Muddo kordhintani, waxay ka mid ahayd go’aammadii iigu adkaa, shakhsi ahaan, ee isoo maray muddadii aan talada dalka gadhwadeenka ka ahaa. Sidoo kale, waxay ka mid tahay, arrimaha culus ee aan marar badan, ka fekiray tan iyo intii aan hano-qaaday. Aniga oo arkayay duruufta adag ee dadkayga haysata, haddana si aan uga hortago dib-u-dhac ku yimaadda doorashada, waxaan isku dayey, in aan ku qanciyo madaxda xisbiyada qaranka, in la isku maareeyo gurmadka abaarta, iyo qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyo qabsoomidda doorashada.

 

Hase-yeeshee, waxa igaga hor yimi aragtidaa, labadii xisbi mucaarid (Waddani iyo UCID), oo ku adkaystay in doorashada dib loo dhigo muddo lix bilood ah. Tallo wadaag, tawfiiq, iyo isu tanaasul, waa wixii aynu ku soo caano maallay ummad ahaan. Sidaa darteed, nin neceb iyo nin jecelba, waxa madaxdii qaranku markii aan ku martiqaaday madal loo dhan yahay, la gaadhay is fahan iyo heshiis qaran, taas oo dib-u-dhig ku samaynaya Doorashada Madaxtooyada muddo lix bilood iyo toban maalmood ah. Heshiiskaa, waxaan u gudbiyey aqalka Golaha Guurtiada, aniga oo ka codsaday in sidiisa ku ansixiyaan.

 

Marka aan si saraaxad leh u hadlo, ima farxad gelin, go’aankii ka soo baxay Golaha Guurtida, oo ku saabsanaa muddo kordhintii loo sameeyey Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. Hase-yeeshee, waxaan garwaaqsanahay, in Golaha Guurtidu yahay hay’ad dastuuri ah, oo arrintani ka mid tahay xilka iyo waajibaadka ay qarankan u hayaan. Sidaa darteed, kasokow saluugayga aan ka muujiyey go’aankaa, haddana waxaan u arkaa, in uu yahay mid sharci ah, waan ixtiraamayaa, isla markaana waan dhaqan-gelinayaa.

 

Dhinaca kale, waxaan ka garaabaya niyad jabka ay ku keentay dib-u- dhicii doorashadeennu, dalalkii aynu saaxiibka ahayn, ee inaga caawin jiray geedi socodka, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Waxaan jecelahay in aan madashan uga mahad-celiyo, dalalka ku bohoobay Midowga Yurub iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, taladii iyo taageeradii, ay hore uga geysteen nidaamka doorashooyinka Somaliland. Waxaynu nahay ummad gob ah, oo kala taqaan cadowgeeda iyo nasteexeeda. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah, inaynu u abaal hayno, cid kasta oo wax ina gashata, ama wax ina tarta. Geedi socodka dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka xorta ah, ma jirto cid inagu qasabtay, isla markaana inagu san-dullaysay, balse, innaga ayaa ummad ahaan dan iyo maslaxad bidnay ama u aragnay.

 

Sidaa darteed, ma’aha mashruucani mid ay leedahay beesha caalamku, balse waa mid aynu leenahay manfiiciisa iyo masuuliyadiisa intaba. Waxaan shacbiga Somaliland iyo haldoorka Xisbiyada Qaranka, u caddaynayaa, in ay iga go’antahay hoggaamiye ahaan, aniga iyo maamulkaygaba, in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah 13/11/2017. Si aan u meel mariyo, ama u xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah, oo dalkan ka dhacda, waxay xukuumadaydu isa saartay masuuliyad iyo culays dhaqaale oo aanay hore Dawladda Somaliland fuuli jirin. Marka la is barbar-dhigo, nidaamkii saami qaybsiga kharashka doorashooyinka Ssomalialnd, %75 waxaa bixin jiray dalalka deeq bixiyeyaasha, halka Dawladda Somaliland ay ka bixin jirtay %25.

 

Saamiga isbarbar dhigga kharashka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka Madaxtooyada ee inagu soo socota, waa mid si weyn uga duwan qorshayaashii hore ama saami qaybsiyadii hore. Xukuumadaydu waxay dabooshay ama dabooli doontaa in ku dhow %90 kharashyada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashada Madaxtooyada ee qabsoomi doonta November 2017. Taasi waxay daliil cad u tahay, sida aanu daacad ugu nahay, isla markaan ugu diyaar garownay, gudashada xil wadareedkaa dusha naga saaran.

 

Ugu dambayn, si loo guda galo arrinta kaadhadhka cod-bixiyeyaasha, iyo diyaarinta wax kasta oo loo baahan yahay wakhtiga ku munaasibka ah, waxaan lagama maarmaan u arkaa in ay wada shaqayn buuxda oo joogta ah ay yeeshaan dhinacyada kala duduwan ee ay khusayso arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah deg deg loogu diyaariyo qorshe iyo jaan-goyn lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorashooyinka dabada isku haya, isla markaana lagaga hor tagayo dib u dhan dambe oo ku yimaadda nidaamka doorashooyinka.

 

Aniga oo ka duulaya wakhtiga yar, iyo hawsha badan ee ina hor taal, waxaan magacaabayaa, ama isu keenaya toddobaadkan guddi mustambeed ah, oo ay ku dhan yihiin saddexda xisbi qaran, xubo kooban oo ka tirsan xukuumadayda, gaar ahaan wasaaradaha qaabilsan shaqo ahaan, Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyo goob joogayaal ama wakiillo ka soo jeeda deeq bixiyeyaahsa ama dalalka inaga taageera nidaamka doorashooyinka. Waxaan farayaa guddida cusub ee mustambeedka ah ee toddobaadkan isu iman doona in ay gufeeyaan galdalooyinka jira, isla markaana, ay ka kaalmeeyaan, guddida doorashooyinka qaranka diyaarinta qorshayaasha loo baahan yahay, (Road Map and Framework).

 

Waxaan farayaa guddida Doorashooyinka Qaranka, in ay xilka iyo waajibaadka culus ee saaran u gutaan si leh dedaal, daacadnimo, xilkasnimo, iyo karti leh. Waxaan kale oo aan ku adkaynayaa Waxaan u ballan qaadayaa in aan la barbar taaganahay talo iyo taageero wixii ay iga baahdaan. Arrimaha ku saabsan doorka xukuumadaydu ka qaaday taakulaynta abaaraha iyo qorshayaasha aan u diyaarinay mustaqbalka ka hor tagga dhibaatooyinka is beddelka cimilada Geeska Africa waxaa faahfaahisay wasiir Shukri Xaaji Baandarre.

 

ALLAHAYOW abaarta naga jebi,,,

ALLAHAYOW tubta toosan nagu hanuuni,,,

ALLAHAYOW ma dooran karnee Adigu noo door,,,

ALLAHAYOW bogayaga burcad isu mari,,,

ALLAHAYOW tacabka, ubadka, aduunka iyo aradka intaba noo islaaxi,,,

 

Aamiin,,,aamiin,,,aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso