Gudoomiyaha Kulmiye oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Dr Yaasiin Axmed Sulub

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Dr. Yaasiin Axmed Sulub

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr Yaasiin Axmed Sulub oo ka mid ahaa xubnihii dhidibada u taagay wada-hadallada u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo oo xalay  oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2017 ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee is-maamulka Soomaalida Ethiopia.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan karti badnaa, isla markaana door laxaad leh kasoo qaatay  sidii jawi nabadeed looga  abuuri lahaa deegaannada Bariga Somaliland,loona turxaan bixin lahaa tabashooyinka ay shacabkaasi tirsanayaan.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka iyo asxaabta uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso