Daawo-Silsilada Miinley-Maansada Cusub Ee Loo Bixiyay-Kamalafan:-Abwaan Deeq Maxamed Xasan(Baxsane)


Daawo-Silsilada Miinley-Maansada Cusub Ee Loo Bixiyay-Kamalafan:-Abwaan Deeq Maxamed Xasan(Baxsane)

*Mudankiyo abwaanoow, maskaxdii dadkaygoow

*Mucda erayga shilis iyo madhaafkaankii luuqdoow

*Hal-abuur mardaadliyo inta hilinka marisee,

*murti lagu galaday iyo maax iyo asluubeey

*Inta muxubo qiirada jecel midha latiriyiyo suugaan magaabshoow

*Muhashada kal-galacada maamuus akhyaareeed

*Marka hore salaan-madax maashee gudoonsada

*Marka xigana maansada muunad iyo tixraaceed

*mawle waygu deeqee mayay iyo sidii roob aan madiixo jiiftada

*Meeshay u dhimatiyo aan abaaroo muulkoo qodob raac u meel-dayo

*Maalmahan balookiga madashaa sawaxanka leh maqal waa ku haynaye

*Miinlay silsiladaas, eegan loogu magac daray

*Ragu muuqashada guud ninba aragtidiisa maal

*Tixo mooris dhugashada ninba muhay karaankiis

*Malaa iyo awaalada ragu waysu marag furay 
Macal-cune la eedee

*Anse diiday marinkaas inaan toobiyaha maro

*Maankiyo kashaydaa moorada hilaadshoo

*Hud-dud miigan samadiyo xalaa meeris igu yidhi

*Mashaqada dhibkeedii halka moodis loo biday mahadhadu ka xeel-dheer

*Mahluugaa farshaxanimo masalooyin kala rogan

* maah-maah kusahan tegay, kuye meerisyadan dhuux

*Maqasha iyo waxaraha ka mideeyay waa qool

*Mudac iyo karbaashkana duntu waa tax iyo muun

*Mindida iyo daadbkuna waa laba mataanood

*Adna maandhe siiqada minka baxay falaadoo horta garo midkan ahay

*Magacaygu waa shacab, marti baan ka ahay guul

*Mihnadiyo xilkiisii rayid moogan baan ahay

*Mutuh iyo ilduufkuna dhaxal baan u helay magan

*Malafsade siyaasiga mus-danbeed anaa u ah

*Mooska iyo oodiyo waxaan ahay mus-cirirtiis

*Midigtuu ku duuliyo waxaan ahay maguurtada

*Magliguu ku diririyo maka-leeli gaashaan anigaw muraayada

*Haduu gubo magaalada, ama uu dadkaba miro

*Mahdadoow wuxuu fulay, hoyga uu kamagan-galo, mulac baan godkiis ahay

*Ninka maaaga cabashada mal-mal baan u qooshaa

*Miinshaar afwayn iyo haduu micicyo dheeryahay

*sunta mililka dhidhisiyo maal iyo kudbaan ahay

*Musuq iyo kaslaanimo ka ku meel-marshaan ahay

*Maxastiyo agoomaha inuu dhaco masaakiin,
danyar kii melgaan ahay

*Muusa-nawga reernimo miilada anaa u leh ka ku maal-geshaan ahay

*Mashqaraha waxaa dhacay anigaa u macalin ah, macal-cunese waa beri

*Anaa miidhashada reer maangaab ku doortoo

 

Halkan Guji Maansada Meegaar Abwaan Maxamuud Haybe Galaal

Halkan Guji Maansada Meded iyo Abwaan Cabdioraxmaan Maxamed Baas

Halkan Guji Maansada Marin-Tusa Abwaan Cabdicasiis Guudcade
Halkan Guji Maansada Musdanbeed Abwaan Cabdilahi Aden Samatar

Halkan Guji Maansada Mudduci iyo Madaacalay Abwaan Xiis Shanfool

Halkan Guji Maansada Maangaab Abwaan Sakariye Awaare

Halkan Guji Maansada Maamuus Abwaan Sigad

Halkan Guji Maansada Macaan Jecel Abwaan Siciid M Gahayr

Halkan Guji Maansada Muddan iyo Abwaan Daaha Gaas

Halkan Guji Maansada Miisaan Abwaan Bashiir Sacad

Halkan Guji Maansada Miyir Sida Abwaan Xasan Cabdilaahi Ganay

Halkan Guji Maansada Maato Abwaan Ahmed Hassan Ducaale

Halkan Guji Maansada Muusanow Iyo Abwaan Cabdishakuur Qaraami

Halkan Guji Maansada 2aad MaskaxCelin Abwaan Sharmaarke Qaloonbi
Halkan Guji Maansada Milay Abwaan Cabdiraxmaan Haldhis

Halkan Guji Maansada Muwaaddin Abwaanad Amran Sharaf

Halkan Guji Maansada Magansi Abwaan Cali Wadaadyare

Halkan Guji Maansada Midhaale Abwaan Sharmaarke Abdi Laki Qoloonbi

Halkan Guji Maansada Muran Diid Abwaanad Deeqa Nuux Yoonis

Halkan Guji Maansada Iska Hubiya Moqorada Abwaan Farxaan Bawkax

Halkan Guji Maansada Millad Abwaan Maxamed Galaydh

Halkan Guji Maansada Maxkamadda Abwaan Sakariye Awaare

Halkan Guji Maansada Mudaacali Abwaan Daaha Cabdi Gaas

Halkan Guji Maansada Marag Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganay

Halkan Guji Maansada Mudduci Abwaan Weedhsame

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso