Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Weftigii uu Hoggaaminaayey oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Shaffeild ee wadanka UK

Hargeysa(ToggaHerer):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdullaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayey isla mar ahaantaana socdaalka ku joogay dalweynaha Ingiriiska, ayaa caawa fiidkii kulan ballaadhan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Shafeild ee dalkaasi.

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay goob ka ahaayeen madaxda laamaha xisbiga ee magaalada Shaffeild, taageerayaasha xisbiga iyo dad kale oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Shaffeild, ayaa waxa kulankaas guddoomiye Cirro ku wehelinaayey guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbigaasi xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayeyaal, siyaasiyiin, xildhibbaano iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Kulankan oo ujeedkiisu daarnaa qaadhaan ururin halkaas looggu sameynaayey dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland, ayaa ugu horreyn qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland iyo madaxda Xisbiga WADDANI ee laantaasi, ayaa dhammaantood ba ku dheeraaday in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay kulan iskugu yimaadaan madaxda dalka, waxaana ay tilmaameen in ay ka jaaliyad ahaan ay aad ula dhacsan yihiin siyaasadda Xisbiga WADDANI iyaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi la dareen ah shacabkiisa isla mar ahaantaana ay ka aqbaleen kulankan qaadhaanka looggu ururinaayo dadka abaarahu saameeyeen oo ay sheegeen in ay si mugle uga qeyb-qaadanayaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI, La taliyaha arrimaha dibadda ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANi, Kaaliyaha arrimaha Warbaahinta ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa si aada ugu dheeraaday xaaladda dalku maraayo iyaga oo tilmaamay in ay Somaliland ay gashay marxaladdii ugu adkeyd oo ay dad iyo duunyaba si aada u saameeyeen abaaro baahsan oo dhimasho sababey, waxaana ay sida oo kale xuseen in cadaaladda darada, musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo sinnaan la’aantu ba ay iyagu na marayaan meelo aad u daran oo fool xumo ku ah dhaqanka dawladnimada Somaliland, waxaana ay cod dheer kaga codsadeen in jaaliyadda Shaffeild in ay kala qeyb-qaataan siddii loo badbaadin lahaa qaranka Somaliland.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa aad ugu dheeraaday in ay ka xisbi ahaan mar walba la dareen yihiin dadka shacabka Somaliland isaga oo xusay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii keli ahaa ee habeen iyo maalin ba ka qeylinaayey isla mar ahaantaana ku baaqayey in loo gurmado dadka abaarahu saameeyeen, waxaana uu tibaaxay in dawladnimada na uu keliya badbaadin karo Xisbiga WADDANI.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdullaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa jaaliyadda Somaliland ee Shaffeild uga mahad-celiyey sida diiran ee ay u qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminaayey, waxaana uu tilmaamay in ka wefti ahaan aanay dalka Ingiriiska u imanin arrimo siyaasaddeed balse keliya ay u yimaadeen siddii dhawaaqa shacabka tabaaleysan ee Somaliland ay u gaadhsiin lahaayeen beesha caalamka sida oo kale na ay u la soo wadaadi lahaayeen walaalahooda reer Somaliland ee ku dhaqan dalalk Yurub si ay qeyb weyn uga noqdaan gurmadka abaaraha ee lagu badbaadinaayo dad iyo duunyo ba isaga oo sida oo kale na xusay in dawladnimadii Somaliland ay marayso meel aad u adag isla mar ahaantaana loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso