Kuwan Dhawr Oo Dhaqo…Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Kuwan Dhawr Oo DhaqoQor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

 

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle weyne koreeye waxaan ka baryayaa inuu inoo barwaaqeeyo geyigeena abaartana uu inaga kor qaado curashada gugana inoo balaadhsho geyigana inoo gaadhsiiyo Allow noo naxariiso Aamiin.

Qofkasta oo nooli wuxuu soo maraa halgan balse haganada oo dhan isku mid maaha ee aan eegno ka waxbarashada. 
Sida dadku ubadan yihiin halganka lawada marro ama inta waxbaratay maraan waa waayaha waxbarasheed ka qof maro.

Wakhtiga halgan kaas aad ku jirto noloshu way kuu qiyaasantahay waanay kuu qorshahsantahay waxaanad ka qiyaas qaadanaysaa maskaxda oo kuu ah halka aad ka duulayso waaqicana aad ka waajahayso hadii ay tahay dadaal qofeed iyo qaabkii dedaalkaasi ku guulaysan lahaaba.

Haddaba qofkasta oo maray marxaladan wuu dareemi karaa waayaha waxbarasheed iyo sida uu udhiganyahay ama ku noolaanshaha xiligan sida ayuu yahay.

Qofkasta oo ardaynimada soo marray hal mid buu ku hayaa niyada weligiina aanu iloobin dhamaan dadkuna way ka simanyihiin sikasta oo ay ukala duwan yihiin xaaladaha waxbarasheed ee lakala maray ama hab nololeed ee wax lagu kala bartay.

Midkaas xasuusta leh waxay noqonaysaa qofkii kugu taageeray waayahaas tallo, toosin, tusaale iyo tacab ba waad xasuusnaanysaa weligaa ilaa aad marka aad waayahaas dhamayso doonto sidii aad qofkaas ugu abaal celin lahay hadii ay isaga kuu suurtoobi waydana aad caruurtii iyo ubadkiisii raadiso siaad ugu abaal celiso.

Qofka ku gacan  qabtaa waamid aan si dhayal ah maskaxda uga bixin waana lamid midkasta oo ku dhaqday nolasha waana sida aad u dhaqanayso hadhaw kaas ku dhaqday adiga.

Wax  lageliyo taageero noockasta oo ay tahayba aduun ama arinkaleba waxaa ugu qiimo badan qof siiba arday ku jirra xaalad wax barasheed waana ka keliya ee aan ilaabin waayahay uu soomaray iyada oo ay u sababtahay baahiyaha oo badan wakhtiga ardaynimada waayo xiliga waxbarashada mid jaamacad ama mid kaleba waa wakhti aad u baahi qabto waxkasta oo suuqa yaal hadii ay tahay buugaag ama qalab waxbarasho dhamaantii iyo taakulooyinka kale ee kaa soo wajahaya hadii aad meel aan gurigaaga ahayn wax ku baranayso sida cuntada, hoyga iyo kuwa ku hoos laabanba.

Ugudambayn gasho dhalinta waxbaranaysa waxaad awooda talo ama arin kaleba waayo nolosha kuwa bedelaya jiilka waayga waana kuwa maankoodu kaydiyo midkasta uu taageera.

Ka faaidayso fusrada qaaliga ah ee taageero oo lagu helo ehel iyo garab kula rafiiqi karra sidaadarteed dhaqo dad siay nolosha dambe kuu dhaqdaan adiga iyo dadkaagaba

      ………Wabilaahi Tawfiiq……

 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan 

Kafaalooda Arimaha bulshada 

siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

 

Email: Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55

Advertisement

Ku Xayeysiiso