Berbera: Madaxweynaha oo furay Mashaariic Horumarineed, Khudbad balaadhana ka jeediyey Halkaasi + Gaadhi Gaas ku shaqaynaya oo uu gudoonsiiyey Wasiir Shukri Xaaji Baandare iyo Shahaadooyin uu bixiyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan gobolka Saaxil ka dib safar uu shalay galab ku soo gaadhay Magaalo Madaxda Berbera ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Berbera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saddex waddo oo halbawle u ah magaalada gudeheeda dhismeheedahana ay ku suntan tahay dawlada hoose ee Berbera, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Xarun casriya oo ay daahfurtay Shirkadda SOMGAS.

 

Madaxweynaha Oo Khudbad Ka Jeediyey munaasibadaasi ayaa yidhi:-

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Farxad weyn bay ii tahay, aniga iyo Madaxda kale ee i wehelisa, in aannu maanta ka soo qayb gallo munaasibaddan, xadhiga lagaga jarayo terminalkan lagu kaydinayo gaska dabiiciga ah, ee laga hiragliyey Magaalada Berbera.

 

Ugu horrayn, waxaa mahad ballaadhan iska leh ALLAHEEN-NA weyn, ee inoo fududeeyey wax kasta. Mar labaad, waxaan jecelahay in aan si gaar ah u bogaadiyo, Shirkadda SOMGAS ee ku dhiiratay inay dhisto Terminalkan casriga ah ee Gas-ta. Waxaa hubaal ah, in uu mashruucani wax weyn ka tari doono mustaqbalka, badbaadinta deegaankeenna xaalufay.

 

Waxaa hubaal ah, in xaruntan ganacsi la galiyey aqoon iyo adduun badan, taas oo sabab u noqotay, in Shirkadda SOMGAS ay sabir u yeelato, in ay sugto daahfurkiisa iyo danbarkiisa, muddo ku sima sagaal sanno. Waxaan aaminsanahay, in mulkiilayaasha mashruucani ay heli karayeen, in ay hantidooda ku maalgashadaan, mashaariic kale oo ay faa’iido deg-deg ah ka helaan, balse macaashka ka sokow, ay mudnaan siiyeen maslaxadda guud ee qaranka.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Xaalufinta deegaanka, goynta dhirta iyo dhuxul shidistu, waxay ka mid yihiin aafooyinka ugu waawyen ee ummad ahaan in haysta. Dhinaca kale, waxay ka mid yihiin arrimaha sababa abaaraha ba’an ee dalkeenna ku soo noq-noqda.

Sidaa darteed, waxaan Madaxweyne ahaan dardargelinay, daryeelka iyo ilaalinta deegaanka Somaliland, waxaan soo saaray laba wareegto Madaxweyne, taariikhdu markii ay ahayd 06/09/2014.

 

Wareegtadaasi waxay sugaysay, ilaalinta deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxaan Wareegto Madaxweyne, ku soo saaray 10/01/2016, Xeerka Ilaalinta Dhirta iyo Ugaadhka, Xeer Lambar. 69/2015, kaas oo mamnuucaya in la shido dhir qoyan, loona isticmaalo dhuxul.

aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo Wasaaradda Deegaanka, oo ay hormood u tahay Wasiirka Shukri, xilka weyn ee ay iska saareen wacyigelinta iyo joojinta dhuxusha, taas oo imika ay bulshadu u bislaatay.

 

Haddaba, maadama isticmaalka dhuxushu, uu dhibaato badan ku hayo dhulkeenna, waxaannu dhiirigelinaynaa isticmaalka tamarta kale ee beddeli kara, si loo yareeyo jarista dhirta. Isticmaalka Gas-tan, waxaa lagaga maarmi karaa, in aynu isticmaallo dhuxusha caadada inoo noqotay, taas oo deegaankeenna dabar goynaysa. Si mashruucani u hanoqaado, waxaan kula talinayaa Shirkadda SOMGAS, in ay hoos u dhigto qiimaha gas-ta, si bulshada danyarta ahi, u awoodi karto in ay iibsadaan. Arrintaa waa in ay dhug iyo dhaymo u yeeshaan madaxda mashruucan maalgelisey.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Xukuumadda aan gadhwadeenka ka ahay, waxaa siyaasaddeeda udub dhexaad u ah, in ay dhiirigeliso maalgashiga, ay dalkooda ku samaynayaan ganacsatada reer Somaliland. Sidoo kale, waxaa naga go’an in aannu dalkayaga iyo dadkayaga u samayno saxiibo badan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo ganacsi, kuwaas oo suurtagelin kara in lagu tallaabsado horumar ballaadhan, iyo maalgashi mug leh. Waxaannu soo dhoweynaynaa, cid kasta oo dalkayaga maalgashi ka samaynaysa, kaas oo manfac iyo maslaxadi dadkayaga ugu jirto.

 

Mar kale, waxaan ganacsatada kale ee Somaliland ugu baaqayaa, in ay ku dedaalaan sidii ay dalkooda u maalgashan lahaayeen, hantidoodana ugu huri lahaayeen dhulkooda hooyo, si uu dhaqaalaheennu u kobco, loona abuuro fursado shaqo.

 

Ugu dambayn, waxaan shacbigayga ugu baaqayaa, in ay soo dhaweeyaan horumarka iyo mashaariicda maalgashi ee maslaxadoodu ku jirto, isla markaana ay ka feejignaadaan, aragtiyaha xun ee u horseedaya kala qoqobka, qabyaaladda, qaran jabka iyo in ay qayrkood hoos maraan qarniyo badan.

 

Guntii iyo gabo-gabadii, waxaan ugu baaqayaa in ay ilaashadaan midnimada iyo wada jirka dhexdooda, cadawgooda dhinac uga soo wada jeestaan. Waxaan kale oo ku dardaarayaa dhammaan shacbiga in ay isu naxariistaan, oo is caawiyaan xilligan lagu jiro dabayaaqada abaarta aafaysay duunyo iyo dad badan.

 

ALLAHAYOW abaarta naga jebi,,,

ALLAHAYOW tubta toosan nagu hanuuni,,,

ALLAHAYOW ma dooran karnee Adigu noo door,,,

ALLAHAYOW bogayaga burcad isu mari,,,

ALLAHAYOW tacabka, ubadka, aduunka iyo aradka intaba noo islaaxi,,,   

 

Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf lagu maamuusay ka gudoomay shirkada SOMGAS, sidoo kalena waxa uu fure gaadhi gudoonsiiyey Madaxweynuhu wasiir Shukri Xaaji Baandarre oo ay shirkada SOMGAS, ugu talogashay gaadhi ku shaqaynaya gaas, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin lagu sharfay sidii ay ula shaqeeyeen shirkada somgas gudoonsiiyey wasiirada Macdanta, Ganacsiga, Maaliyada, Deegaanka, Maareeyaha Dekeda iyo Maayarka Magaalada Berbera,

 

Aamiin,,, aamiin,,, aamiin

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso