War Deg deg ah: Qarax Aad u xoog Weyn oo Goor dhawayd gilgiley Xamar

Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalkaasi Somalia.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho waxaanu ka dhacay agagaarka hotelka City Center oo ku dhow taalada Xaawo Taako.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo marayey wadada horta hotelkaas uu si lama filaan ah u qarxay, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay Khasaaro kala duwan , waxaana iminka goobta soo gaadhay kuna sugan Ciidamo ka tirsan Dowlada.

Lama xaqiijin karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa waxaana socda baadhitaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso