Madaxweyne Siilaanyo iyo Macallin Siilaanyo oo Maanta Ku kulmay Qasriga Madaxtooyada!!!!

Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Siilaanyo).

Axmed Maxamed Maxamuud Xaddi (Siilaanyo).

Madaxweyne AXMED SIILAANYO iyo Macallin AXMED SIILAANYO oo qasriga Madaxtooyada Somaliland kulan ku yeeshay maanta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku Qaabiley Macallin Siilaanyo Qasriga Looga Arrimiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa maanta oo jimce ah qalbi furan kusoo dhaweeyey Macallin Axmed Siilaanyo oo la wadaaga magaca Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

waxaanu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Macalin Siilaanyo in loogu magac daray wakhtigii halganka, ku dhawaad soddan sano na ay isku magac ahaayeen.

Macallin Siilaanyo ayaa Maalmihii U dambeeyey u xidhnaa Ciidamada Amaanka oo u xidhay in ay isku Magac yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Macallin Siilaanyo iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Is-Gacan Qaadaya

Xuquuqda Sawiradda Khadar Baaruud

Advertisement

Ku Xayeysiiso