Talo-soo-jeedin: Mudane Madaxweyne; Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey?!

Talo-soo-jeedin:
Mudane Madaxweyne;
Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey?!
Bani’aadamka mar kasta talo lagama waayo’e waxaan talo yar ka  dhiibanayaa sidii looga samato-bixi lahaa halista abaaraha adag ee xilligan innagu habsaday
 Anigoo ah muwaaddin Rashiid Sulub Caalin oo aanay igu cusbayn ka-hadalka arrimaha danta guud ee ummadda iyo qarankaJamhuuriyadda  Somaliland, iyadoo aan had iyo jeerna warbaahinta ku soo bandhigo talooyin la xidhiidha hagaajinta danaheenna guud.
 Sidaa darteed, waxaan qoraalkan yar ku soo gudbinayaa talooyin aan si gaar ah ugu dirayo Madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaas oo aan is leeyahay haddii la fuliyo Ilaahay idamkii wax bay ka tari doonaan dhibaatada aadka u culus ee ka dhalatay abaaraha kulul ee waqtigan ku habsaday dadka iyo duunyada dalkeenna.
 MudaneMadaxweyne; adiga oo aan ku khasbanayn in aad sidooda u qaadato talooyinkan, haddana waxaan  maantana  kuu soo jeedinayaa talo iigu muuqata inay kaga bixi karno abaarahan halista ah.
 Madaxweyne; sida ay ila tahay waxaan laga fursanayn si dhibaatada abaarta aan uga baxno, in aad u hawlgasho sidii aad isugu yeedhi lahayd 114 qof oo isugu jira culimo, madax-dhaqameed,aqoonyahanno iyo xirribo-caddayaal xeel-dheerayaal ah, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha Gabooye, kana kala imanaya gobollada Somaliland oo dhan, kadibna aad si sharaf iyo milgo leh u soo dhowayso, isla markaana ugu martigaliso qasriga Madaxtooyada, iyadoo la samaynayo casuumad heerkeedu aad u sarreeyo.
Dabadeedna aad kulankaas taariikhiga ah ee qiimaha badan kaga dalbato in ay Ilaahay inoo baryaan roob ina maansheeya oo aynu dhibaatada adag iyo baahida jirta xilligan kulul kaga baxno, illeyn cid lagu jiraba Ilaahay baa og’e.
 Arrintan waxaan u cuskanayaa qodobaddan: Maadaama ay dulman yihiin beelaha Gabooye ilaa xad inuu Ilaahay (SWT) ka aqbalo ducadooda, sida diinteennu caddaysayna qofka dulman Ilaahay ducada wuu ka aqbalaa, maadaama;a) ay suurtogal tahay, inuu Ilaahay ka aqbalo ducada oo dhammaanteen faraj inoo noqoto.b) In aanay waxba innagu kacayn arrintan oo aanay jirin wax aynu kaga baaqanno.c) Waxa suurtogal ah in beelahaasi ku calool fayoobaadaan xushmaddaas.d) In ay ina saamaxaan oo qalbigoodu ku qaboobo qaddiyaddan. e) In tabashooyin badan oo ummaddaasi innaga qabaan arrintani dawo u noqon karto.
Tirada 114-ka oday waxaan u soo qaatay waxaan ku saleeyey tirada suuradaha qur’aamka kariimka ah oo aan uga jeedo Alle u dhowaanshihiisa inuu ducadooda inoo aqbalo, innagana dulqaado dhibtaada iyo abaaraha kulul ee innagu habsaday,raxmaadkiisa iyo nimcadiisana inoo shubo. Sidoo kale, waxaan u arkaa in kulankaas ducada ah uu daawo lagu badhaadho u noqdo odayaasha beelaha Gabooye oo inta badan lagu yaqaan is-qabqabsiga dhexdooda oo aan aaminsanahay inuu sabab u yahay dayaca iyo dib-u-dhacyada ka  naafeeyey bulshada beelahaas.
Weliba waxaan soo jeedinayaa munaasibaddaas si toos ah looga baahiyo telefishannada kala duwan ee dalka ka hawlgala.
 Mudane Madaxweyne; dhibaatooyinka soo jireenka ah ee bani’aadamka waligeedba waxa lagaga bixi jiray fikir,qorshe, niyad-sami iyo ficil. Waxaan masal kuugu soo qaadayaa oo aan kugu qancinayaa sida laga yaabo inaad taariikhda ku hayso, maadaama aad nin weyn tahay  oo waayo-arag ah.
 Dhowr qarni horteed qaaradda Yurub waxa soo maray intii aanay tignoolajiyadda casriga ah soo bixin abaar ba’an oo baabi’isay dadkii, xoolihii iyo degaankiiba.
  Waqtigaas ma jirin gaadiidkan dheereeya ee waxa la adeegsan jiray fardaha iyo wixii la mid ah, hadday noqoto dagaal in lagu galo iyo adeegsiga safaraddaba. Kadib waxa dhacday, in ay fardihii cuni waayeen cawskii qallalnaa ee aanay u baran,halkaasna noloshoodii halis weyn ku gashay.
 Rag talo lagama waayee, nin ayaa talo keenay oo wuxuu hindisay farsamadii lagu liqsiin lahaa in ay cunaan cawska qallalan,  Ilaahayna wuu ku gargaaray sida farduhu u noolaadaan. Waxa uu u sameeyey fardaha muraayado cagaar ka dhigaya cawska qallalan oo u sahlay fardaha inay cunaan cawska, maadaama muraayadaha loo xidhay uga dhigeen doog qoyan, sidaana way ku badbaadeen.
 Mudane Madaxweyne, waxaan ku soo afmeeraya maqaalkan kooban ee talo-soo-jeedinta ah Ilaahay talada toosan ha ina waafajiyee ma jirto wax dan gaara amma siyaasad ah oo aan qaddiyaddan ka leeyahay, oo aan ahayn in Eebbe innaga dulqaado cadaabaha ina haysta, waana halka Soomaalidu tidhaa, ‘COLKA WADHAF MA LAGU DAYEY!’ Odhaahdsaas oo macnaheedu ku qotomo in xallinta arrimaha dhinacyo badan laga galo si loogu helo xal waara.
Sidoo kale, masalka sheekada aan soo qaatay yaannu caqli-gaabku u rogan si qaldan, waxana habboon in dawladda Somaliland shacabkeeda ku wacyigeliso, kuna baraarujiso in isbeddelka cimilada ee adduunka oo dhan ka dhacay qayb ka yahay abaaraha baahsan ee meelo badan oo caalamka ah ka jira waqtigan.
 FG: Maqaalkani waxa uu qayb ka yahay barnaamijka Geeddiga Wadaay qaybtiisa 4aad oo aan si xidhiidh ah ugu soo bandhigo qoraallo xambaarsan 100 qodob oo ku saabsan horumarinta adeegyada danta guud ee la dayacay.
Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin

Advertisement

Ku Xayeysiiso