Saameynta Taban ee Saldhiga Berbera uu ku yeelan doono Amniga, Degaanka, Bay’ada, dhaqaalaha, Siyaasada, dhaqanka iyo Diinta Ummadeena. qalinkii A/rahman fidhinle UK

Fadhigii labada gole ku ansixiyeen Nuxurka Heshiika Saldhiga Berbera 12/2/2017 Wuxuu ahaa Sharci daro baal-marsan Dastuurka qaranka Qodobkiisa 38-aad farqadiisa 6-aad. Wuxuu ahaa heshiis muhmal ah oo fawdo ah, wuxuu ahaa Heshiis qarsoodi ah oo ku saleysan ku daneysi gaar ah. Heshiiskani in uu ahaa Khiyaamo qaran waxaa u markhaati ah kuma qeexna baaxada bad iyo beriba leh ee Saldhigu ku fadhiisan doono, kuma qeexna lacagta lagu kireeyey sanadkii, kumana saxeexna shasiyaadkii imaaraadka metelaayey.
1-  Bixinta Go’aamada Saldhiga Berbera waxay ku Saleysnaayeen sife aradan oo jujuub ah, garbo duub ah oo loo diiday in ay xildhibaanadu dersaan oo wax iska weydiiyaan
   loomana marin haba yaraatee sife sharci ah sidaa daraadeed fulinta Heshiiskan iyo khasaaraha ka yimaadaba waxaa uqoolan intii ansixisay iyo intii daaha dabadiisa ku saxeexday.
2-Xukuumadu waxay ka baxday Xayndaabkii sharciga ahaa waxaana ay ilaa iyo hada ummadda ku qancin wayday in ay keento Heshiis dhameystiran oo macquul ah oo ay ummadda ku qanciso, Waxaana ay carabka ummadda ugu cel celisay kuna canqarisay Mashaariicdii shirkada  DPWorld ay hore ugu dhawaaqaday in ay dalka ku horumarinayso.
3- Saldhiga Berbera waxaa cadaan ah in ay Dawlada UAE u isticmaali doonto Dagaal gelin, Dulimaadyo Dagaal, Basaasnimo, Tijaabo hub cusub, iyo keydin hub khatar ah oo bay’ada iyo degaanka  ku reebi kara hawo xumo iyo falgalo kimiko ah oo dadka iyo duunyadaba wax yeeleeya.
4- Hadii Saldhiga Berbera lagaga Duulo Cadan iyo Yaman waxay si xun usaameynasaa isu socodka marin biyoodka Gacanka cadmeed taasoo isu socodka maraakiibta xamuulka ee Berbera imanayaa ay hakad geli doonaan  Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalkana saameyn taban ku yeelan doonta.
5- Dhamaan maangelintii iyo Horumarintii Dekedaha dalka oo dhami waxay mudo dheer oo 30 – 40 sanadood ah u xidhnaanayaan Heshiiska Saldhiga Berbera iyo shirkada DPWorld  ay dalkeena kula wareegeen muddadaa dheer.
6- Kuye Saldhiga Berbera wuxuu aduun inagu soo kordhinayaa lacag yar oo $1.2 Million dollar ah, halka Saldhiga yar ay dawlada Djabouti ay USA  kaga kireysatay lacag dhan $63 million dollar sanadkii  iyo weliba $70 million oo dollar oo mashaariicda arimaha  bulshada lagu horumarinaayo  sanadkiiba.
7- Tusaale ahaan Saldhig yar oo 2 mile oo isku wareega ah oo Dawlada China ka dhisanayso dalka Djabouti waxaa lagu heshiiyey in dalka China dalka Jabouti ka dhisto
7 Dekedadood oo caalami ah lacag kiro ah  oo gaadhaysa $12 million oo dollar ahna ay sanad walba bixiso dawlada China oo ay siiso Dawalda Djabouti.
Halka aynu inagu Saldhigeena xaqul qalinka yar siisanay.
8- Dawlada  Somaliland ee doog-dhabashada iyo doogsin cararka ku can baxday Waxba kameysan baran Heshiisyada 7-da Saldhig ee Dawlada Jabouti aduunka la gashay Saldhigyadaas oo ku fadhiya dhul kooban oo 30 mile ah. Waxaana arin lala yaabo ah in   Airportka Berbera oo dhameystiran oo ah ka Africa ugu dheer uguna istiraatijiyad fiican iyo Saldhig labaad oo baddeed oo ku fadhiya baaxad dhul iyo bad ah oo gaadhaya ilaa 70 -150 mile in Sife qeyrul-sharci ah oo bilaash ah lagu bixiyey mudo aad u dheer oo gaadhaysa 25- 30 sanadood.
9- Maadaama aynaan aheyn dal la ictiraafay Ciidamada UAE ee  huwanta ahi waxay xaalufin doonaan oo dhici doonaan kheyraadkeena bad iyo beriba gaar ahaan kaluunka iyo macdanta. Waxaana ay Ciidamadaasi qaadan karaan  hadii aanay dagaal ku foogneyn Qandaraasyo ay badeena iyo berigeenaba  ku aasaan Qashinka Nuclear ah.
10- Maadaama ciidamada imaaraatku ay 70 % yihiin calooshooda u shaqeystayaal darban oo dalabka ku shaqeeya waxay ku kici karaa dhaqano xun xun oo lidi ku ah Diinteena iyo dhaqankeena suuban. Marka la eego shuruucda Caalamiga ah ee Saldhigyada Ciidamada Aduunka Xad-gudub kasta oo Saldhiga dhexdiisa ka dhaca shuruucda Somaliland ma qabanayaan oo waxay doonaan ay saldhiga dhexdiisa ku sameynayaan.
Madaama aan Sife sharci ah loo marin ansixintii nuxurka heshiiska isla mar labaadkiina saxeexiisii aan sife caalami ah loo saxeexin, Heshiikan Saldhiga Berbera
Fulintiisu Waa Qayrul sharci oo Waajib ma aha in la fuliyaa, Waxaana aanu canbaareynaynaa Qaabkii Guracnaa ee loo ansixiyey loona bixiyey loona saxeexay.
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso