Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha KULMIYE Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Safiirro Ingiriis Ah + Sawiro

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Andrew Allen oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett oo ah sarkaal dhinaca siyaasadda u qaabilsan safaaradda UK ee Ethiopia oo socdaal ku yimi Somaliland.

Kulanka oo ay Guddoomiyaha ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa labada dhinac diirradda ku saareen arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen xaaladda abaarta ee ay Somaliland xilligan ku jirto iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loona dardargelin lahaa kaalintii uu dalka Ingiriisku kaga jiray taageerada Somaliland.

Sidoo kale arrimaha doorashooyinka Somaliland, ayaa ka mid ahaa waxyaabaha madaxda xisbiga KULMIYE iyo weftigu ka wadahadleen, iyagoo isla gorfeeyey sidii uu dalka Ingiriisku u sii wadi lahaa kaalintii uu ka qaadan jiray iyo taageeradii uu ku bixin jiray doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dheeraaday warbixinta uu safiirka ka siiyey xaaladda guud ee dalka Somaliland, gaar ahaana abaarta iyo taageerada ay u baahan tahay, waxaannu ku boorriyey dawladda Ingiriiska inay si mug leh ugala shaqayso dawladda iyo shacabka Somaliland sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaarta, isla markaana uu Ingiriisku kaalin muuqata uga qaadan lahaa kaalmooyinka lagu gargaarayo dadka ay abaartu saamaysay.

Dhinaciisa Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Andrew Allen, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan qorshe cad ka leeyihiin sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha ka jira Somaliland iyo meelo kale oo ka mid ah dalalka gobolka Geeska Afrika abaartu taabatay, isaga oo shaaciyey inay haatan ku hawlan yihiin qorshaynta lacag dhan $110,000,000 dollar (Boqol iyo toban milyan) oo ay ugu talogaleen ka qayb-qaadashada abaarta ka taagan dhulalka Soomaalidu degto.

Waxa kaloo uu Safiir-ku-xigeenku xusay in dalkiisu sii wadayo taageeradii ay siin jireen doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada oo uu carrabaabay inay gacan weyn ka gaysan doonaan.

Ugu dambayntii, waxa uu sheegay inay dawladdiisa Ingiriiska ka go’an tahay sii xoojinta taageerada hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dalka.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso