Gudaha Ka Eeg :Faahfaahin Ku Saabsan Qarax Ka Dhacay Muqdihso .

Ugu yaraan 10 ruux, ayaa ku geeriyootay halka labaatameeyo kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaadhi uu ka dhacay, inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaa lagu baadhaa, gawaadhida gasha waddada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dadka khasaaraha uu ka soo gaadhay qaraxa, ayaa la sheegay in ay u-badanyihiin askar iyo haween Qaad iyo caano ku iibiya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarka uu guuldareystay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso