Qashinka oo aan si fiican loo basrin waqtiga abaaraha biyahuna ay yaryahiin waxa ka dhasha cuduro halis ah sida shuban biyodka

Abaarta oo dheerata  biyaha oo aan daawaysnayn ama weelka  biyaha aynu ku shubano oo aan la nadiifin qashinka oo si fiican aan loo basrin waayo qashinka oo ay shirkadaha u xil saran qaadi waayan waxa uu sababi karaa  in guryaha  caasimadu ku daadiyaan goobo aan loo baahnayn waqti  xaadirkan waxay sababi kartaa xanuuno sida shuban biyoodka oo dilaaca  Iyadoo heerka shaqo waxqabad ee shirkadaha  ka hawl gala caasimadu aanay isku mid ahayn  ayaa degmooyinka caasimada uu qashin buux dhaafiyey  waxaad arkaysa  waqtiga habeenkii gadiid dyne ah oo shirkaduhu ay leeyahiin oo sida qashinka qoyan ee hudheelada cuntada oo dusha ka banana gadiidka sida oo qadhmuun iyo riixad  xataa dadwaynaha jidadka caasimada maraya  aan loo adkaysan Karin  fayadhowr xumadaa taas oo aan loo baahnayn in gadiidka qashinka qoyan sidaa in uu af banaanado  moyar  iyadoo howsha masuuliyada ay leeyahiin shirkadaha qaar hadana waxaad awood shaqo u leedahay qiimayn shaqo shirkadeed  dib u eegis heerka waxqabad ee shirkadaha ka howl gala caasimada  abaal marin shirkada ka soo baxay hawshoodi shaqo  ruqsad ka qaadis iyo ganaax shirkadaha si loo toosiyo  heerkoda waxqabad shaqo si ay nadaafada caasimadu ay ula tartanto caasimadaha dalka

iyadoo hada aad ku gudo jirto samaynta iyo dayactirka  laamiyada caasimada hargeisa  hadaba ma la socotaa in wadadii la sameeyey  ee dhaqaalaha iyo howshaasi ku baxday ay biyaha saabunta leh  oo lagu daadiyo  wadada ay si fudud u goyn karaan wadaadi la dhisay biyaahasi ha ka yimaadeen guryaha ku soo jeeda wadada ama  hudheelada cuntooyinka oo aan lahayn qorshe hygein oo wasakhdooda  goob bulaacad oo lagu basriyo si  fududna ay booyadu uga  qaado waqtiga habeenkii maxaa hadaba inooga qorshaysan moyar in biyaha  uskaga ee sabuunta  aan lagu daadin jidadka caasimada hargeisa si  loo ilaaliyo nadaafada fayadhowrka caasimada iyo dhiska wadooyinka cusub ee caasimada  miyaanay  noqonayn  biyo col dhaanshay  waa in uu jira barnaamishka fayadhowrka caasimada oo bulshadu  ay kala socoto  media dalka si ay bulshadu u fahanto  macnaha ereyga fayadhowr  iyo ujeedadu uu xambaarsan yaha

Baahida biyo yaraanta iyo qashinka magaaloyinka oo si fiican loo maarayn  basrin waayo waxa ka dhasha xanuuno halis caafimaad   daro soo gaadhsiya bulshada sidaa daraadeed waxa waajib ah in la ilaaliyo nadaafada biyaha iyo weelka biyaha aynu ku shubano

Biyahu waa noolasha aadamiga jidhkeenu 94% waxa uu ka samaysan yahay ama u badan  yahay biyo  sida qaybaha habdhisyada jidhkeenu ay u baahanyahiin in ay ku shaqeeyan biyo sida wareega dhiiga  habdhiska dheefshiidka aadamiga etc

Waxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor aad u badsano isticmaalka biyo nadiifa oo dawaysan waxa kale oo loo bahanyahay in aynu ka shaqayno fayadhowrka nadaafada biyaha iyo nadaafada weelka  aynu ku shubano ama ku kaydsano biyaha nadaafada weelka kaydinta biyaha oo aan la ilaalin had iyo goor waxa ka iman kara  nadaafad xumo

Sidoo kale waxa loo baahan yahay in had iyo goor la ilaaliyo nadaafada  biyaha baliyada harooyinka waa in aan lagu dul maydhin  dharka ama aan lagu saxaroon  agaagarka biyaha sidoo kale waa in had iyo goor laga feejignaada waqtiga waraabinta xoolaha  in xoolaha lagu sii daayo  goobta keydka biyaha

Waxa kale oo loo baahanyahay oo masuuliyad culusi inaga saarantahay  nadaafada  magaaloyinka oo loo bahanyahay in aynu xil iska saaro maaraynta qashinka oo si  fiican loo basriyo  qashinka waa in lagu keydiyaa weel dabool leh oo hawada u furan  waa in la dhigaa goob ku haboon waa in aan qashinka lagu tuurin  wadooyinka iyo sharacyada  dawlada hoose waxa loo bahan yahay in  ay had iyo goor si feejigan ula socdaan  nadaafada magaaloyinka  iyo hadba heerka uu marayo qashinka magaaloyinka iyo goobaha laga qaaday iyo inta uu  kg ee qashin ah ee laga saaray magaalada maalintii si loo helo data waxqabad oo lagula socdo xajmiga  baaxada qashinka   magaaloyinka dalka  iyadoo bulshadeenu aanay xil iska saarin nadaafada  deeganka iyo waxyeelada cafimaad  daro  ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican aan loo basrin ama aan loo marayn

 

Waxa kale oo loo bahanyahay  in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galan  qashinka magaaloyinka iyo shirkadaha  u xilsaran  maaraynta qashinka magaloyinka

Waa in aynu had iyo goor u feejignaana  nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka  hadii nadaafada xumaato ma jirto noolal iyo caafimad qab ay bulshadu ku naaloto

Qofka ooh ea biyo nadiifa oo uu waqti kasta isticmaalo cabitaankooda siiba waqtiga aroortii marka uu tooso waxay daawo ka yahiin xanuunada calool istaaga iyo cuduro badan oo ay keenan biyo yaraanta

Waxa waajib in had iyo goor aynu si feejigan uu u ilaalino nadaafada deegankeena iyo nadaafada gooboha ay inoo soo maraanilaha biyaha aynu ka helo ama aynu ku kaydsano biyaha sida foostoyinka jirikamada etc

 

Fariin caafimaad

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso