Daawo : Maato Waa Maasno uu EngAhmed Hassan Du’alle uu kaga Qayb qaadanayo Maansada Miimleyda ah uu Ibo Furay Abwaan Weedhsame

Maato Waa Maasno uu EngAhmed Hassan Du’alle uu kaga Qayb qaadanayo Maansada Miimleyda ah uu Ibo Furay Abwaan Weedhsame

Maansadda maatadda
Masiibaadka Dunidee
Meelkastaba ka dhacaybaa
Malkadeenan sahaydooo
Hayeeshe Midba Dheer
Maanta Beledka taaalo
Maansadiisi weedhsame
Magaceeda Uga Dhigay
Mudicigii Garramayee
Tixda Muusanowga ah
Ku Bilaabay Miimley
Ee Ganay Makhraatiga
Meeriskisa ugu Furay
Halka Daaha Maragiyoo
Muducigii Warkiisiyoo
Maatadii La boobiyo
Musuqmaasuqii Jiray
Meeshaba ka Saareee
Ku Difaacay Mudaaacalee
************
Ana maanta maansada
Aan ku bilaabay miimkee
Maqalkaaga ii Dhiib
Mudaniyo masuuliyo
waxa maanta joogee
Waddankeena Maamula
Ma gafaa La moodaa
Maatadoo la boobiyo
Malafsiga Agoomaha
Waa mid loo midooboo
Midka Guurti joogiyo
Mudanihii wakiiladda
Ani igu Metalayiyoo
Midkaloo kasii daran
Oo madaxwayne doortiyo
Dhamaan mudanayaashii
Musrif iyo Dilaaliyo
Mukhlas aan naxayniyo
Mooryaan wareertaad
Muuqoooda moodaa
Dekadaha mid iibshiyoo
Madaarada mid Baayaca
Mid Dilaala Buuraha
Maskaxdoodi Noqotoo
Miidamo Dhego maleh
Haduu Malag dhawaaqaa
Marayaa warakoodiii
*****************
Maatadii Godooniyoo
Meel laga hayaamiyoo
Mugdi bay ku sugan tahay
Kay miciinka Bidayeen
baa maanta Iibsadey
Maba lahaa jidh naxaiyo
Maamuskii Dhaqaniyo
Muxubiyo Tolnimoiyoo
Magacii wacnaayeee
Mudanuhu lahaan jiray
Maxaa loola yaabaa
Mar hadaan xishood jirin
Lagama maarmay xeerkii
Iyo maamul caadila
Maatadoo la dhacoiyo
Maal urursi mooyee
Meel kaleba loo socon
*********************
Masuul Gabay Xilkiisii
Oo qabyaalad Magansadda
Mar suldaan Adeegsadaa
Marna Caaqil Daba galaa
Oo muuqalo badanbaa
Midigtiyo hareeraha
Meelkastaba inaga xiga
Maayaradda haday tahay
Amuu Gobolba Maamulo
Midkastoo masuul ahi
Meeshuuu ku sugan yahay
U maamulay siduu rabay
Mucjisooyinkaa Dhacay
ma wax loo Dulqaataa
*******************
Mudanihii la doorteee
Isbedelay markeliyeee
Magafaha sidiisii
Mareegaha samaystee
Masaakiinta iibshow
Maantaba la wadda baray
Meeqaamka aad tahay
Sadanbena maxaad odhan
Ma dib baad usoo dhalan
Ma cirkaad kasoo dhici
Mooshin quutayaashow
Mawdku waydin sugayaaa
Maxkamadii Ilahay
Maruun bad hor tegiyoo
Anaguna makhratiga
Kugu moosi doonaa
Ana sebankan maanta ah
Mawlihii ilahiyoo
Maamul fiican ban sugi.
Wabilahi tawfiiq
By.EngAhmed Hassan Du’alle

Halkan Guji Maansada Muusanow Iyo Abwaan Cabdishakuur Qaraami 

Halkan Guji Maansada 2aad MaskaxCelin Abwaan Sharmaarke Qaloonbi
Halkan Guji Maansada Milay Abwaan Cabdiraxmaan Haldhis

Halkan Guji Maansada Muwaaddin Abwaanad Amran Sharaf 

Halkan Guji Maansada Magansi Abwaan Cali Wadaadyare

Halkan Guji Maansada Midhaale Abwaan Sharmaarke Abdi Laki Qoloonbi

Halkan Guji Maansada Muran Diid Abwaanad Deeqa Nuux Yoonis

Halkan Guji Maansada Iska Hubiya Moqorada Abwaan Farxaan Bawkax

Halkan Guji Maansada Millad Abwaan Maxamed Galaydh

Halkan Guji Maansada Maxkamadda Abwaan Sakariye Awaare

Halkan Guji Maansada Mudaacali Abwaan Daaha Cabdi Gaas

Halkan Guji Maansada Marag Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganay

Halkan Guji Maansada Mudduci Abwaan Weedhsame

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso