Dhaxal wareejintu Qaranku, Qoomamo Xumo iyo Taariikh Madow Ha u ahaato. . .

Dhaxal wareejintu Qaranku  , Qoomamo Xumo iyo Taariikh Madow  Ha u ahaato……

1960kii waxaa qarankii somaliland si caadifadaysan loogu daray maamulkii somaaliyeed ee ka jiray Koonfurta somaliya si bilaa shuruud ah . halkaasi waxaa ka dhacay midaw laba gobol waxaana ka hana qaaday maamul badi mansabyada dawlada iyo mashaariicaha hormarineed ay isku filnaysiiyeen masuuliyiintii ka soo jeeday koofurta somaliya

wakhitaagsi wax heshiis cad ahaa oo dhaxal gal u noqday midawgii labada gobol haba yaraatee muu jirin kaliya waxaa masuuliyiintii xiligaa loolanada ku jiray ee gobolada waqooyi ku jirtay Qadayad aan jiho lahay oo ahayd midaw soomaaliyeed .
lama tamirin midawgaa waxaana ka dhashay burbur iyo colaado sokeeye .

colaadahaasi waxaa sal u ahaa iyada oo aanay jirin hishiiyo labada dhinac ( waqooyi iyo koonfur) ah ay la galeen masuuliiyiin jibaysnaa wakhtigaa fool halaabiyay xoriyadii gobolada waqooyi

Heshiiska maanta ee dekada iyo saldhiga lagu wareejinay dalka imaaraadkuna waxaa uu la mid noqon doon kii lagula midoobay maamulkii koonfurta somaliya waayo ma jirto mabaadii iyo heshiiyo caalmihi oo qaranka somaliland u damaanada qaadaya ilaalinta xuquuqda shacabka reer somaliland .

Waxaa dhaxal wareejin , Burburin masiir umadeed , wuxuu dhaxal siin doonaa dilaaliintii qaran iibiyay taariikh xumo aan duugoobin . waxaaan ilaahay uga baryayaa shacabka reer soomaliland ee danyartaa ee dulmigu hadheeyay inuu namsi maal aduunyo uga dhigo hogaamiye wanaagsan oo u horseeda hiigsigooda nololeed

Dr-abdihakim siciid 

 

Abdihakim088@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso