Garoon ku yaala Paris oo nin lagu dhextoogtay

Nin ayaa lagu dhex toogtay saaka 8:30 garoonka diyaaradaha ee Orly oo ku yaalla magaalada Paris ee dalka France, ninka la toogtay ayaa mid kamid ah askarta ammaanka sugta ka dafay bistoolad kaddibna ku dhex carary suuq ku yaala garoonka gudihiisa.

Bilayska la dirira argaggixisada ayaa baadigoob ka wada garoonka oo laga yaabo in qofka dhintay uu meel kamid ah uga tagay wax qarxi kara, waxaana loo digay dadka inay goobta baaristu ka socoto ka dheeraadaan.

Garoonka Orly oo ah midka labaad ee ku yaalla caasimadda Paris ayaa muuqaalo laga soo duubay waxaa laga dareemayaa argaggax ka muuqda dadkii ku sugan garoonka intay socotay daad-guraynta.

Duulimaadyadii soo caga-dhigtay garoonka ayaa lagu hakiyay barxadda garoonka iyo dadkii saarnaa, waxaana laga codsaday inay ku sugnaadaan diyaaradda inta baaristu ka dhammaanayso.

TV laga leeyahay France BFM ayaa kusoo warramay inuu nin isku dayay inuu askari ka dafo bastoolad kaddibna askarigii uu rasaas ku furo ninkii soo weeraray.

Bilayska waxay kaloo raadinayaan inay jirto cid kale oo falkaa ku wehelisa ninka la toogtay ama waxyaabo qarxa.

Bilayska ayaa baraha bulshada ku qoray . “Wali waxaa socda baaris, waxaan ogaysiinaynaa dadka inay ka dheeraadaan garoonka.”

Qof rakaab ah oo wali saaran diyaaraddii uu la socday oo barxadda garoonka ku sugan ayaa isna ku qoray Twitter, “Rasaas ayaa laga maqlayaa garoonka Orley terminalka koonfureed”.

Gabar la yiraahdo Isabelle Raynaud ayaa iyaduna Twitter waxay ku qortay. “Waxaan ku xannibanahay diyaaraddii garoonka Orly rasaas ayaa ka dhacday”.
Dalka France ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku jira sharci ah “Xaalad degdeg ah” kaddib weerarro is xigxiga oo ka dhacay dalka oo ay ka dambeeyeen Daacish iyo Alqaacidda.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso